HRW oo Mareykanka u jeedisay eed la xiriirta duqeymihiisa Soomaaliya

Image

ANKARA, Turkey – Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in Mareykanka uusan si dhab u baarin waxyeelada rayidka kasoo gaara duqeymaha uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya.

Warbixin kasoo baxday xafiis goboleedka HRW ee caasimadda Kenya ee Nairobi ayaa lagu sheegay in baaritaanka uu yahay mid hal dhinac ah.

Qormadda ayaa si gaar ah farta ugu fiiqdey laba dhacdo oo lasoo wariyey 2-dii Febraayo iyo 10-kii Maaj, kuwaas oo ay sheegtay in shan rag ah, hal cunug ah iyo haweenay ay gabi ahaan ku geeriyoodeen.

"Ma jiraan caddeymo waafi ah oo qeexaya in bartilmaameedka milatariga Mareykanka uu ahaa Al-Shabaab," ayay raaciyeen.

Laetitia Bader, agaasimaha HRW ee Geeska Afrika oo u warantay Anadolu Agency, ayaa daboolka ka qaadey in falalka Mareykanka ay u muuqdaan in ay xadgudub ku yihiin shuruucda dagaalada aduunyadda.

"Mareykanka si dhab ah uma baarin laba dhacdo oo dhowaan ay ku dhinteen dad shacab ah kadib duqeymo uu ka fuliyay Soomaaliya, taas oo u muuqata mid xadgudub ku shuruucda dagaalada caalamka," ayay tiri.

Dhanka kale, taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ee loosoo gaabiyo AFRICOM ayaanan wali ka jawaabin eedeymaha hay'adda HRW.

Badi duqeymaha uu Mareykanka fuliyo Soomaaliya waxaa lagu bartilmaameedsadaa dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo maleeyshiyaadka Daacish ee ku dhuumaaleysta qaybo kamid ah degaanadda dowadda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM