HRW oo Mareykanka u jeedisay eed la xiriirta duqeymihiisa Soomaaliya

Image

ANKARA, Turkey – Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in Mareykanka uusan si dhab u baarin waxyeelada rayidka kasoo gaara duqeymaha uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya.

Warbixin kasoo baxday xafiis goboleedka HRW ee caasimadda Kenya ee Nairobi ayaa lagu sheegay in baaritaanka uu yahay mid hal dhinac ah.

Qormadda ayaa si gaar ah farta ugu fiiqdey laba dhacdo oo lasoo wariyey 2-dii Febraayo iyo 10-kii Maaj, kuwaas oo ay sheegtay in shan rag ah, hal cunug ah iyo haweenay ay gabi ahaan ku geeriyoodeen.

"Ma jiraan caddeymo waafi ah oo qeexaya in bartilmaameedka milatariga Mareykanka uu ahaa Al-Shabaab," ayay raaciyeen.

Laetitia Bader, agaasimaha HRW ee Geeska Afrika oo u warantay Anadolu Agency, ayaa daboolka ka qaadey in falalka Mareykanka ay u muuqdaan in ay xadgudub ku yihiin shuruucda dagaalada aduunyadda.

"Mareykanka si dhab ah uma baarin laba dhacdo oo dhowaan ay ku dhinteen dad shacab ah kadib duqeymo uu ka fuliyay Soomaaliya, taas oo u muuqata mid xadgudub ku shuruucda dagaalada caalamka," ayay tiri.

Dhanka kale, taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ee loosoo gaabiyo AFRICOM ayaanan wali ka jawaabin eedeymaha hay'adda HRW.

Badi duqeymaha uu Mareykanka fuliyo Soomaaliya waxaa lagu bartilmaameedsadaa dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo maleeyshiyaadka Daacish ee ku dhuumaaleysta qaybo kamid ah degaanadda dowadda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM