Hubanti la'aan soo wajahday natiijadda doorashaddii Koonfur Galbeed

Image

MUQDISHO – Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku caddeysay, in ilaa iyo hadda aysan helin wax gudbin rasmi ah oo ku saabsan natiijada doorashooyinkii dhowaan ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay Maxkamadda Sare ayaa lagu yiri: "Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay halkaan ku caddeyneysaa, ilaa iyo maanta, inaan la soo gaarsiin wax gudbin rasmi ah oo ku saabsan natiijada doorashooyinka ee la xiriira doorashooyinkii ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya."

Caddayntan ka soo baxday Maxkamadda Sare ayaa imaanaysa xilli si weyn isha loogu hayo hannaanka doorashooyinka iyo hufnaanta go'aannada sharciga ah ee la xiriira hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed, taas oo qayb ka ah hannaanka dimuqraadiyeynta iyo xallinta khilaafaadka doorashooyinka dalka.

Koonfur Galbeed ayaa isbedelkii ka dhacay saameyn ku yeeshay amniga iyo nidaamkii maamul ee ka jiray, iyadoo xisbiga Xasan Sheekh loo afduubey doorashada, si loogu soo saaro Aadan Madoobe, oo isagaa gudoomiye ka ah Gollaha Shacabka Villa Somalia u dirtay Baydhabo, si xilka Madaxweyne ee maamulkaas u qabto.

Waa doorasho lasii ogyahay natiijadeeda, haddana lagu tilmaamay inay qof iyo qof tahay. Musharixiin uu kamid yahay Shariif Xasan ayaa sheegay in aysan aqbalayn natiijo lagu shubtay, xili Lafta-Gareen ciidankiisa duulaan ku yihiin Baydhabo.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM

Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo Sacdiya Bajaaj xorriyaddeeda dib ugu celisay

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa.

  • Soomaliya

    12-08-2026

  • 02:21PM