ICJ oo diidey dalabkii Kenya ee dacwadda Badda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa ku gacanseyrtay dalabkii Kenya ee ku aadanaa in markii afaraad dib loo dhigo dacwadda badda ee kala dhaxeysa dalka Soomaaliya.

Sidda ku xusan qoraal kasoo baxay xeer-beegtadan hoostagta Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa, darafyadda waa in ay soo xaadiraan dood-afeedka loo balansan yahay 15-ka Maaj illaa 19-ka isla bishaas.

Dowladda federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkeeda dastuuriga ah uu dhamaadey oo todobaadkii hore si adag uga hor-timid codsiga xukuumadda Nairobi ayaa soo dhaweysay go'aanka maxkamada.

Sii-haayaha Ra'iisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] oo ku hadlay afka xukuumadda dhacdey, ayaa rajeeyay in dalka uu "xaq iyo cadaalad ku helo" labinta iyo guud ahaan "doodeena".

Xilli uu xusay in Soomaaliya "ay ku kalsoon tahay dhexdhexaadnimadda Maxkamadda Cadaaladda Aduunka," Mahdi ayaa ka codsaday shacabka "in ay noosoo duceeyaan in aan ku guuleysano dacwada".

"Waxaan leeyahay dhamaanteen haddaan nahay Soomaali guul baa inoo rajeynayaa, waanu ku han-weynahay Insha Allaahu in cadaalad xaq ay ku dhamaan doonto dacwadda," ayuu kusoo afmeeray hadalka.

Dowladda Kenya ayaan wali ka falcelin go'aanka Maxkamadda ICJ oo soo baxay shalay oo Jimco ahayd isla markaana Sabtida maanta ah si rasmi ah loogu wargeliyey dhinacyada ay khuseysa ee labada waddan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM