Iftin Express oo gaashaanka ku dhufatay been abuur laga faafiyey

Image

GAROWE, Puntland – Xawaalada Iftin Express ayaa waxay iska fogeysay kuna sifeysay "been lasoo dhoodhoobay" warbixintii Global Initiative ee ku eedeysay in ay kala wareejiyeen malaayiin lagu kala iibsaday hub sharci darro ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay shirkaddan ayaa lagu sheegay in eedeymaha iyaga loo jeediyey ay ku saleysan yihiin hal xaashi oo wareejin lacageed ah taasoo ay tibaaxeen in la been abuuray bishii Maaj, sanadkan 2020.

Mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayay ka dhawaajiyeen in ay la wadaageen maxsuulka baritaan ay sameeyeen taasoo muujineysa in warbixintan saldhigeedu yahay warqad been abuur ah oo lala xiriiriyey shirkadooda.

Warbixinta Global Initiative ayaa lagu qeexay in afar shirkado Soomaali ah kuna jirto Iftiin Express oo fadhigeedu yahay Boosaaso ay malaayiin Doolar u kala wareejiyeen shaqsiyaad loo doon-doonayo argagixisanimo.

Lacagtaas oo cadadkeeda lagu qeexay 3.7 milyan doolarka Mareykanka ayay wariyeen in la kala wareejiyay 2014-kii illaa 2020. Shaqsiyaadka kala gudbiyey ayay xuseen in ay ku kala sugan yihiin Soomaaliya iyo Yemen.

Sarkaal sarre oo u hadlay shirkadda Iftiin Express ayaa ku eedeeyay Global Initiative in ay adeegsadeen "wax caddeymo noqon kara iyo in ay si ku talogal ah isugu dayeen marin-habaabin ku saleysan barabagaando".

Cabdisaciid Cali, lataliyaha arrimaha ammaanka qaranka ee madaxweyne Farmaajo, ayaa bartiisa gaarka ah ee Twitter--ka wuxuu ku taageeray beeninta shirkadda Iftiin Express.

Qormadda Global Initiative oo fadhigoodu yahay magaaladda Geneva waxaa horey u heshay UN Monitoring Group balse hakisay daabicitaanka ka gedaal markii ay ka shakisay in ay xaqiiqo yihiin dhamaan eedeymaha.

Global Initiative ayaa waxay baahisay macluumaadkaas ka gedaal markii uu kusoo biiray Jay Bahadur oo xubin ka ahaa UN Monitoring Group isla markaana gudaha Soomaaliya looga eryay baahinta xogo aan sal iyo baar toona lahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM