IGAD oo ka hadashay magacaabista Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Image

JABUUTI - Xoghayaha Fulinta ee IGAD Workneh Gebeyehu, ayaa hambalyo usoo diray Abdisalam Abdi Ali oo loo magacaabay Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya.

Gebeyehu ayaa sidoo kale Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, Ahmed Moallim Fiqi uga mahadceliyay shaqadii uu ka qabtay dadaallada xoojinta xiriirka Soomaaliya ee IGAD, wuxuuna u rajeeyay guul xilkiisa cusub ee ah Wasiirka Gaashaandhigga.

Hambalyada iyo mahadcelinta ayaa timid ka dib markii Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, uu ku dhawaaqay isbedel uu ku sameeyay golaha wasiirrada, iyadoo la tixgelinayo caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee soo kordhay.

Isbeddelka golaha wasiirrada ayaa sidoo kale waxaa lagu magacaabayJibril Abdirashid Haji Abdi oo noqday ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ee labaad. Jibril ayaa hore u soo qabtay xilalka Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga.

Abdisalam Abdi Ali, oo bedelay Fiqi xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda, ayaa leh waayo-aragnimo weyn, isagoo horey u soo noqday Ra’iisul Wasaare ku-xigeen iyo Wasiirka Howlaha Guud.

Ahmed Moallim Fiqi, oo horey u soo noqday Madaxa Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Wasiirkii Arrimaha Gudaha, ayaa hadda loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga. Fiqi ayaa sidoo kale soo qabtay xilka Safiirka Soomaaliya ee Suudaan intii uu ku jiray shaqadiisa diblomaasiyadeed.

Isbeddelkan golaha wasiirrada ayaa la xiriira dadaalka dowladda ee lagu xoojinayo awoodda hogaaminta iyo sidii looga jawaabi lahaa xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee dalka ka jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Culus oo Baydhabo ka Qarxay, Ciidamada Lafta-Gareen oo Sheegay inay Qabsadeen Magaalada

Baydhabo oo ah caasimadda Koonfur Galbeed ayaa ah magaalo muhiim u ah siyaasadda iyo amniga koonfurta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-08-2026

  • 07:07AM

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM