IGAD oo qayb ka ah dadaalada lagu dhex dhexaadinayo madaxda DFS

Image

November 5, 2014 (GO)- Ergeyga gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa soo gaarey magaalada Muqdisho si uu qayb uga noqdo dadaalada la doonayo in lagu dhex dhexaadiyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed.

Danjire Afey oo khadka telefoonka ugu waramay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegay in IGAD ka walaacsan tahay in loolanka siyaasadeed ee Muqdisho ka socdaa caqabad ku noqdo horumarka laga sameyey dhanka ammaanka kadib mudo labaatan sano ka badan oo dalku xasilooni dorro ku jirey.

"IGAD iyadaa soo barbaarisay horumarka Soomaaliya ka samaysay dhanka nabada kadib labaatan sano oo dagaalo sokeeye dhacayeen. Aad baan uga walaacsanahay in loolanka siyaasadeed ee jiraa caqabad ku noqdo horumarka Soomaaliya gaartey..." Afey ayaa sidaa yiri.

Dhanka kale Danjiraha IGAD ee Soomaaliya wuxuu sheegay inuu la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari isagoo xusay inay isku afgarteen isu aragtina ka yihiin in khilaafka jira si dhaqso ah xal looga gaaro iyadoo loo marayo dhabaha wada hadalka.

Khilaafka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed oo soo shaac baxay bishii (October), wuxuu kusoo aadayaa xilli Dowladda Federaalka horyaalaan hawlo badan, kuwaasoo ugu muhiimsan yihiin dhameystirka dastuurka iyo dhismaha maamullada kamid noqonaya Dowlada Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM