Dacwad ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya oo laga shirayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Urur Goboleedka IGAD ayaa 20-ka bishaan shir ku yeelanaya dalka Jabuuti, si ay Madaxda uga wadahadlaan dacwad ka dhan ah Kenya, oo dowladda Federaalka Soomaaliya u gubisay.

"Iyadoo laga jawaabayo dhambaalka ka dhanka Kenya ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Mudane Cabdalla Xamduuk, Ra'iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Sudan ahna Shir-guddoonka Madaxda IGAD, ayaa Urur goboleedka IGAD waxa uu shir madaxeed ku qabanayaa #Jabuuti 20 December," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda soo saartay.

Laguma sheegin qoraalka Wasaaradda waxa ay DF ka ashtakoonayso, balse waxay kusoo aadaysaa xili xiriirka Muqdisho iyo Nairobi uu maraya meeshii ugu hooseysay oo uu jira khilaaf diblomaasiyasadeed.

Waxay sidoo kale dacwadda kusoo beegmaysaa xili Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu booqasho ku joogo dalka Kenya, isagoo lagu wado inuu la kulmo Uhuru Kenyatta maanta, waxaana ay yeelan doonaan wadahadallo ay xiriirka labada dhinac.

Kenya ayaa xafiiska ka furayay dhawaan Hargeysa iyadoo aan ogolaansho ka haysan DF, waxay sidoo kale Nairobi u ogolaatay inuu Maamulka Somaliland xafiis ka furto, oo sidii safaarad u shaqeeya.

Tallaabada ayaa waxay DF u aragtaa mid Kenya ku dhaawacaysa madaxbanaaninada iyo midnimada Soomaaliya, iyadoo dhawaan Muqdisho laga soo eryay Safiirka Kenya Lucas Tumbo.

DF ayaa sidoo kale u yeertay safiirkeeda Nairobi si wadatashi ula yeelato, waxaana qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya dhawaan lagu sheegay inay Kenya faragelin ku hayso doorashooyinka dalka.

Nairobi ayaa beenisay eedeymaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM

Farmaajo: Xasan Sheekh wuxuu si ula kac ah ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kacay falal ka hor imaanaya dastuurka.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:45AM