Burcad-badeed Soomaali ah oo sii daayey lahaystayal Iiraaniyiin ah

Image

TEHRAN, Iran – Muwaadiniin u dhashay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan oo tan iyo 2015-kii lagu haystay gudaha Soomaaliya ayaa lagu waramay in Khamiistii shalay ahayd ay dib u heleen xorriyadooda.

Saddexdan qof ayaa la sheegay in ay la socdeen doon kalluumeysi laguna magacaabo FV Siraj oo 22-KII Maaj 2015-kii ay afduubteen burcad-badeed Soomaali ah; afar qof ayayna waqtigaas ku saarnaayeen.

Ruuxa kale ayaa lasii daayey sanadkii hore ka gedaal markii uu u baahdey daryeel caafimaad. Doonta waxaa laga lahaa Iiraan.

Lacago madax-furasho ah ayaa la bixiyey kahor sii deyntooda, wallow aanan lasoo bandhigin tiradda ama cadadka dhabta ah.

Inkasta oo aan la ogeyn goobta ay kaga xirnaayeen Soomaaliya, Iiraaniyiinta maanta xorriyadooda dib u helay ayaa ka degay caasimadda Tehran, halkaasoo ay kusoo dhaweeyeen mas'uuliyiin.

Kalluumeysatada Iiraan ayaa si sharci ah uga jilaabta xeebaha Soomaaliya, iyaddoo dowladda federaalka ah ay sheegtay in ay talaabo caalami ah ka qaadeyso ficiladooda.

Falalka shufta-badeeda ayaa kamid ahaa dhacdooyinka aadka looga tabin-jiray Soomaaliya mudadii u dhaxeysay 2000-16, hase ahaatee, sanadihii u dambeeyay waxaa wiiqay maraakiibta caalamiga ah.

Sidda ay xustay hay'adda International Maritime Bureau, sanadkii 2011-kii wuxuu ahaa midkii ugu badnaa waxay shufta-badeeda Soomaalida ay fuliyeen howlgalo gaaraya 237; qabsadeena boqolaal ruux kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM