Burcad-badeed Soomaali ah oo sii daayey lahaystayal Iiraaniyiin ah

Image
Image
Image
Image
Image

TEHRAN, Iran – Muwaadiniin u dhashay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan oo tan iyo 2015-kii lagu haystay gudaha Soomaaliya ayaa lagu waramay in Khamiistii shalay ahayd ay dib u heleen xorriyadooda.

Saddexdan qof ayaa la sheegay in ay la socdeen doon kalluumeysi laguna magacaabo FV Siraj oo 22-KII Maaj 2015-kii ay afduubteen burcad-badeed Soomaali ah; afar qof ayayna waqtigaas ku saarnaayeen.

Ruuxa kale ayaa lasii daayey sanadkii hore ka gedaal markii uu u baahdey daryeel caafimaad. Doonta waxaa laga lahaa Iiraan.

Lacago madax-furasho ah ayaa la bixiyey kahor sii deyntooda, wallow aanan lasoo bandhigin tiradda ama cadadka dhabta ah.

Inkasta oo aan la ogeyn goobta ay kaga xirnaayeen Soomaaliya, Iiraaniyiinta maanta xorriyadooda dib u helay ayaa ka degay caasimadda Tehran, halkaasoo ay kusoo dhaweeyeen mas'uuliyiin.

Kalluumeysatada Iiraan ayaa si sharci ah uga jilaabta xeebaha Soomaaliya, iyaddoo dowladda federaalka ah ay sheegtay in ay talaabo caalami ah ka qaadeyso ficiladooda.

Falalka shufta-badeeda ayaa kamid ahaa dhacdooyinka aadka looga tabin-jiray Soomaaliya mudadii u dhaxeysay 2000-16, hase ahaatee, sanadihii u dambeeyay waxaa wiiqay maraakiibta caalamiga ah.

Sidda ay xustay hay'adda International Maritime Bureau, sanadkii 2011-kii wuxuu ahaa midkii ugu badnaa waxay shufta-badeeda Soomaalida ay fuliyeen howlgalo gaaraya 237; qabsadeena boqolaal ruux kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo dib loo dhigey

Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa weli caqabad ku ah hannaanka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 11:18AM

Aadan Madoobe oo u safray Algeria xili uu  wajahayo Mooshin

Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa Mooshinka saxiixay, oo ku adkaysanaya inay xilka ka qaadaan Aadan Madoobe, oo lumiyay Kalsoonidii Gollaha.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 09:20AM