Ilaalada wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo dilay mas'uul

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil caawa ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho gaar ahaan aaga Taree Biyaano oo ku dhow isgoyska KM4 ee bartamaha magaala madaxda dalka.

Sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen goobjoogeyaal, dilka waxaa geystay askari kamid ahaa ilaalada gaarka ah ee wasiirka cadaaladda xukuumadda federaalka ah, Abukaate Xasan Xuseen Xaaji.

Marxuumka oo isla goobta ku geeriyoodey ayaa waxaa la xaqiijiyey in uu ahaa sarkaal sarre oo ka tirsan xafiiska xeer-ilaaliyaha qaranka. Wararka qaar waxay qusayaan in uu ahaa agaasimihii waaxda IT-ga.

Maxamed Cabduqaadir Cilmi ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah lagu aaso mid kamid ah khubuuraha magaalada Muqdisho, sidda ay sheegeen xubno kamid ah ehelkiisa.

Goobjoogeyaal kala duwan ayaa ku waramay in askariga falka sameeyay uu isku dayey in uu goobta ka baxsado balse ay gacanta ku dhigeen ciidamo milatari oo waqtigaas wadada marayey.

Illaa iyo haatan, ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa toogashadda. Askariga falka ka dambeeyay waxaa  loo dhaadhiciyey xarunta dambi baarista ee CID-da, halkaasoo lagu su'aallayo.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan falkaan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka laamaha ammaanka. Illo ku dhow xarunta dambi baarista waxay sheegeen in su'aallo waydiinta kadib laga xog-warami doono kiiska.

Askariga dhacdadaan ku lug-yeeshay ayaa la socday kolanyo galbineysay wasiir Xasan oo waqtigaas mareysay goobta, sidda ay tibaxayaan warbixino xog-ogaal ah.

Ciidamadda Soomaaliya ayaa xilliyadda qaar ku lug-yeesha falal noocaan ah, waxaana qaarkood ay waxyeelo kasoo gaaraan mas'uuliyiin, wallow ay waxyeeladda ku badan tahay dadka shacab ah ee amnigooda sugi lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM