Ilaaladda gaarka Axmed Madoobe oo ka degay Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ilaaladda gaarka ah ee madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa Arbacada maanta ah waxay kasoo dageen garoonka Aadan Cabdulle Cismaan ee magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Askartan ayaa la filayaa in ay sugaan ammaanka Axmed Madoobe kaasoo wararku xusayaan in dhankiisa uu Muqdisho kasoo degi doono saacadaha soo aadan.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in Axmed Madoobe uu Muqdisho kasoo degi doono ugu yaraan gelinka dambe ee Arbacada maanta ah ama galabta.

Axmed Madoobe ayaa lagu waddaa in uu Muqdisho kaga qeybgalo shir ay yeelanayaan madaxda dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyadda.

Is-araggaas ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro xalka is-faham-waaga ka taagan doorashooyinka madaxtinimadda iyo baarlamaanka Soomaaliya ee 2020-21.

Wadahadaladda oo ku qabsoomayo nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa waxaa soo agaasimay wakiilada Beesha Caalamka.

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku guuldareystay qabashadda doorashooyin qof iyo cod ah si lamid ah in kahor inta uusan muddo xileedkiisu dhamaan uu dalka ka qabto doorasho heshiis lagu yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM