Ilhaan Cumar oo dirtay codsi la xiriira shacab lagu laayey Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Ilhaan Cumar iyo todoba mudane kale oo ka tirsan Aqalka Sarre ee Mareykanka ayaa warqad ay ku dalbanayaan sharaxaad dheeri ah u diray hogaanka taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika.

Majaladda Daily Beast oo nuqul kamid ah warqadda heshay ayaa warisay in ay xubnahaan codsadeen in la kala caddeeyo qaabka ay AFRICOM u baarto waxyeeladda shacabka kasoo gaara duqeymahooda Soomaaliya.

Xilli looga mahad-celiyey kaalintooda, xubnaha ololahan ku wehlinaya Ilhaan Cumar ayaa badankooda gudoomiya guddi iyo guddi-hoosaadyo ah.

Warqada oo ay ku hagaajiyeen xafiiska madaxda AFRICOM, Stephen Townsend, ayay sidoo kale ku codsadeen in fahfaahin laga siiyo farqiga tirada geerida ee hay'addaha shaaciyeen iyo midka taliskooda.

Hogaanka AFRICOM ayay xusuusiyeen in dedaalada ay wadaan uu u ogolaanayo xeer uu dhowaan ansixiyey golaha Congress-ka.

"Markay warbixintu ka timaado NGO-yo lagu kalsoonaan karo oo casri ah oo leh awood dhaqan iyo luuqad, wararka ku saabsan waxyeelada shacabka ma ahan kuwa si fudud loo in-kiri karo," ayay raaciyeen.

Tan iyo sanadkii 2007-dii, Mareykanka ayaa gudaha Soomaaliya wuxuu howlgalo dhulka iyo cirka ah uu kula beegsadaa Al-Shabaab iyo Daacish. 13-kaas sano, kaliya geerida afar qof oo shacab ah ayuu qirtay.

Hase ahaatee, hay'addaha u dooda xuquuqda aadanaha sidda Amnesty ayaa tilmaamay in ay jiraan boqolaal uu dafirayo Mareykanka.

Dabayaaqada bishii lasoo dhaafay ee Maaj, taliska AFRICOM ayaa qirtay laba qof oo shacab ahaa in ay ku dileen gobolka Shabeellaha, waxayna tibaaxeen in kiisas kale oo rayid la xiriira ay dib-u-eegis ku wadaan.

Warqadda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM