Ilhaan Cumar oo ka hadashay doorashadda Soomaaliya

Image

WASHINGTON - Xildhibaanada laga soo doorto gobolka Minisoota ee dalka Mareykanka, Ilhaan Omar ayaa markii ugu horeysay ka hadashay doorashada Soomaaliya.

“Waa in aan aad ooga dadaalnaa sidii ay doorasho ooga dhici lahayd Soomaaliya, anaga waxaan dhahnaa dalka Ameerika waa dal dimuquraadiyadda aaminsan, qofkastana fursad loo siiyo in uu madaxweynihiisa doorto,” ayay tidhi.

Ilhaan Omar ayaa sidoo kale sheegtay in aan doorashada mar kale dib loo dhigin.

“Madaxweynihii Soomaaliya waqtigiisa wuu dhammaaday, hadda waxey ka dhigan tahay in Soomaaliya aysan lahayn madaxweyne sharci ah,” ayay sii raacisay.

Hadalka Ilhaan Omar ayaa kusoo beegmaya xilli mudadii loo qorsheeyay in lagu soo gaba-gabeeyo doorasha xildhibaanada aqalka hoose ay maanta ku egtahay, ayadoo wali maamul goboleedyada badankooda aysan soo dhameystirin kuraasta xubnaha ku matali lahaa golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM