Imaaraadka Carabta oo ka hadlay weerarkii suuqa Bakaaraha

Image
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Carabta ayaa war-saxaafadeed kasoo saarey fal-dambiyeedkan.

ABU DHABI, UAE - Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii lala beegsaday Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu xaqiijiyay in Imaaraadku uu si weyn u cambaareynayo "falkan dambiyada ah iyo dhamaan noocyada rabshadaha iyo argagixisada ee looga dan leeyahay in lagu waxyeeleeyo amniga iyo xasilloonida sharciga caalamiga ah.

Wasaaraddu waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo ehellada dadkii ku dhintay fal-dambiyeedkaas foosha xun, iyadoo sidoo kale u rajeysay dhammaan kuwa ku dhaawacmay in uu caafimaad degdeg ah siiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM