Imaaraadka iyo IGAD oo kawada hadlay Xaaladda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Imaaraadka Carabta iyo Urur goboleedka IGAD ayaa kawada hadlay Xaaladda dalka Soomaaliya iyo sidii looga caawin lahaa soo celinta Nabadda iyo Xasiloonidiisa.

Mohammed Ahmed Al Othman, Safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan gaar ah kula qaatey xarunta Safaaradda Imaaraadka Muqdisho Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cali Guyo.

Labada Diblomaasi ayaa ila meel dhigay in IGAD iyo Imaaraadka taageero midaysan oo dhanka amniga iyo xasiloonida siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya oo dagaal kula jirta Xoogaga Al Shabaab.

Guyo ayaa bogaadiyay doorka dowladda Imaaraadka ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Nabada, Xasiloonida, dib u heshiisiinta dhinacyada Siyaasadda iyo mashaariicda horumarineed ee kawado dalka.

Mohammed Ahmed Al Othman, ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay Wakiilka IGAD wadashaqeyntiisa iyo kaalinta ay ka qaadanayaan dib usoo celinta Soomaaliya oo mudo ku dhaw 30 sano ay xasilooni darro ka jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM