UAE oo "ku-meel-gaar' u aqoonsatay Dowlada Soomaaliya

Image

ABU DHABI, UAE – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay xaaladda kasii dareysa ee ka oogan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho taasoo ka dhalatay is-qabqabsiga dhanka doorashooyinka.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda Abu Dhabi, Imaaraadka wuxuu u aqoonsan yahay maamulka waqtiga ka dhamaadey ee Farmaajo in uu yahay mid "ku-meel-gaar ah".

Daneeyeyaasha ayay cod dheer ku waydiisatay in ay qaadaan talaabo kasta oo lagu badbaadin karo rajada Soomaaliya ee xasiloonida iyo dib-u-dhiska.

"Imaaraadka wuxuu xaqiijinayaa in uu taageerayo dhamaan dedaaladda caalamiga ah la doonayo in lagu hirgeliyo doorashooyin daahfuran, waxayna ugu baaqeysa dhinacyada Soomaaliya in ay gacan ka geystaan sidii looga hortagi lahaa khatarta argagixisada iyo xagjirnimadda," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Abu Dhabi ayaa rajeyneysa in Soomaaliya ay cagta saari doonto dhabaha guusha iyo horumarka "kaasoo ay ku ilaashan karto madax-banaanieeda".

Dowlada Farmaajo ayaa muddo xileedkeeda dastuuriga ah wuxuu dhamaadey 8-dii Febraayo ee sanadkan 2021, mana muuqato ifafaalo doorasho lagu galayo.

Dhawaqa Imaaraadka ayaa kusoo hagaagay xilli shalay ciidamadda dowladda ay xabad u adeegsadeen arbushida banaanbax nabadeed oo Midowga Musharaxiinta qaban-qaabiyeen laguna dalbanayey in dalka u dareero doorasho xor ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ka digay firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka xiga ee Puntland ay ku xirnaan doonaan dareenka shacabka.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 05:09AM

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM