Imaaraadka oo gaadiid dagaal ugu deeqay Jubaland

Image
Image
Image
Image

May 26, 2015 (GO)- Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa gaadiid nooca dagaalka ah ugu deeqday Dowladda Jubaland.

Gaadiidkan oo tiradiisu gaareyso 11 gaari oo isugu jira shan nooca qafilan ee aysan xabaddu karin ah iyo lix gaari oo nooca dheereeya ee Soomaalidu (Cabdi Bilaha) u taqaanno ah, waxaa si gaar ah ugu deeqday Imaaradda Abu-Dhabi.

Xaflad ka dhacday dekedda Kismaayo ayaa gaadiidkaas lagu soo bandhigay, waxaana kasoo qayb galay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, Madaxweyne ku-xigeenka Fartaag iyo saraakiil ka tirsna ciidamada.

Madaxweynaha Jubaland ayaa Dowladda Imaaraadka uga mahadceliyey deeqdan oo sida uu sheegay kusoo beegantey xilli aad baahi loogu qabay.

Imaaraadka Carabta oo muddooyinkii u dambeeyey xoojiyey xiriirka uu la leeyahay Soomaaliya, wuxuu qayb weyn ka qaataa qalabeynta iyo dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan, in Imaaraadku horay u siiyey Dowladda Federaalka, Puntland iyo Somaliland gaadiid dagaal iyo agabyo kale oo ciidamadu adeegsadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM