Imaaraadka oo gaadiid dagaal ugu deeqay Jubaland

Image
Image
Image
Image

May 26, 2015 (GO)- Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa gaadiid nooca dagaalka ah ugu deeqday Dowladda Jubaland.

Gaadiidkan oo tiradiisu gaareyso 11 gaari oo isugu jira shan nooca qafilan ee aysan xabaddu karin ah iyo lix gaari oo nooca dheereeya ee Soomaalidu (Cabdi Bilaha) u taqaanno ah, waxaa si gaar ah ugu deeqday Imaaradda Abu-Dhabi.

Xaflad ka dhacday dekedda Kismaayo ayaa gaadiidkaas lagu soo bandhigay, waxaana kasoo qayb galay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, Madaxweyne ku-xigeenka Fartaag iyo saraakiil ka tirsna ciidamada.

Madaxweynaha Jubaland ayaa Dowladda Imaaraadka uga mahadceliyey deeqdan oo sida uu sheegay kusoo beegantey xilli aad baahi loogu qabay.

Imaaraadka Carabta oo muddooyinkii u dambeeyey xoojiyey xiriirka uu la leeyahay Soomaaliya, wuxuu qayb weyn ka qaataa qalabeynta iyo dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan, in Imaaraadku horay u siiyey Dowladda Federaalka, Puntland iyo Somaliland gaadiid dagaal iyo agabyo kale oo ciidamadu adeegsadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Charles King

Kulanka oo ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    09-10-2025

  • 11:06AM

Dowladda Soomaaliya oo beenisay inay heshiis qarsoodi ah la gashay Sweden

Beenintan ayaa ku soo aadeysa xilli Wasiirka Gaashaandhigga Sweden, Pål Jonson, uu booqasho ku joogo Muqdisho shalay.

  • Soomaliya

    08-10-2025

  • 02:08PM