Indho Guran: " waa been abuur in Puntland raalli gelisey Somaliland"

Image

March 28, 2015 (GO)- Dowladda Puntland ayaa beenisey inay raali gelin siisey Somaliland kaddib markii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo uu sheegay inuu raali gelin ka helay dhiggiisa Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Siilaanyo oo labada gole ee guurtida iyo wakiillada Somaliland u jeediyey khudbaddiisa sanadlaha ah, wuxuu sheegay in Cabdiweli Gaas usoo direy raali gelin khaas ah taasoo ku saabsan gef uu sheegay in qaar kamid ah wasiirrada Puntland ka galeen qaranka Somaliland, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"In dhawayd waxa ka imanayey Maamul Goboleedka Puntland dacaayado ka dhan ah qarannimada Somaliland. Haddaba, in kastoo dhawaan uu ila soo xidhiidhay Madaxweynaha Puntland oo uu raali-gelin iga siiyay, waan soo dhaweynayaa raaligelintaas, Somaliland waxaa ka go’an nabad kula noolaanshaha waddamada deriska ah iyo in laska kaashado adkaynta Ammaanka" ayuu yiri Siilaanyo.

Wasiirka war-faafinta Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indho-Guran oo galabta magaalada Garowe shir-jaraa'id ku qabtey ayaa sheegay inaysan jirin wax raali gelin ah oo Madaxweyne Gaas u direy dhiggiisa Somaliland.

"ma jirto wax raali gelin ah oo Madaxweynaha Puntland u direy Siilaanyo waana been abuur...Puntland kama noqon hadalkii ay horay u tiri waana khalad in laga sheego wax aysan oran" ayuu yiri.

January 30, 2015 ayey ahayd markii Puntland ku eedeysey Somaliland lahaanshaha hub laga soo dejiyey dekedda Berbera. Hubkaas oo markii dambe dib loogu celiyey dalka Sudan waxay Puntland ku doodey inuu khatar ku yahay ammaanka gobolka suurogalna ay tahay inuu gacanta u galo xoogaga Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda Golis.

February 8, 2015 waxay Puntland mar kale ku eedeysey Somaliland inay taageero dhaqaale siiso Al-shabaab maadaama marar badan xubno ka tirsan kooxdaas oo la diley ama la qabtey jeebabkooda laga helay lacagta shilinka Soomaaliga.

February 14, 2015 Wasiirka Amniga Puntland oo Garowe shir-jaraa'id ku qabtey, wuxuu sheegay in kooxaha Al-shabaab ee kasoo firxanaya dhanka gobolada koonfurtu, kahor intaysan buuraha Golis soo gaarin inay soo maraan deegaano ka tirsan Somaliland oo magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo kamid yihiin.

Somaliland oo xuduud dheer laleh Puntland islamarkaana khilaaf siyaasadeed oo xoogani kala  dhexeeyo waxay si kulul isaga fogeysey dhammaan eedeymaha loo soo jeediyey.

February 15, 2015 Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde oo waraysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ee Idaacada BBC, ayaa beeniyey eedeymaha Puntland isagoo ku tilmaamay kuwo meel ka dhac ku ah Somaliland.

Dhanka kale, Cali Waran-cadde ayaa si kulul u dhaleeceeyey Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore, wuxuuna ku tilmaamay nin ku fashilmey shaqadiisa islamarkaana aan aqoon fiican u lahayn siyaasadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Salaam Somali Bank oo ku Guulaysatay Bangiga ugu Fiican Soomaaliya ee xaga Tayada Adeegga iyo Hawlgallada 2024

Somalia: IRBS Awards 2024: 10th Islamic Retail Banking Awards 2024 - Salaam Somali Bank Awards Achievements 

  • Soomaliya

    28-11-2024

  • 08:28PM

Masar oo Soomaaliya usoo diraysa Ciidanka labo qorshe fulinaya iyo Itoobiya oo isha ku haysa

Tababar dheeraad ah ayaa la siiyay Ciidanka Masar maadaama loo soo dirayo dal mudo dagaallo ka socdeen, islamarkaana ku xoog badan tahay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    28-11-2024

  • 03:38PM