India oo daadgureyneysa muwaadiniinta 'uga xayirmay' Muqdisho

Image

NEW DEHLI, India – Wasaaradda arrimaha dibadda Hindiya sheegtay in muwaadiniinteena 33-da ah ee uga xayirmay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ay sidda ugu dhaqsiyaha badan dib ula midoobi doonan qoysaskooda.

Sidda laga soo xigtay wasaaradda, shirkadii ay u shaqeynaayey oo la wariyey in aysan mushahar siinin ku dhowaad tobban bilood ayaa ogolaatay in siiso xaqooda isla markaana ay fududeysay ku guriya noqoshadooda.

Anurag Srivastava, afhayeen u hadlay wasaaradda oo daaha ka rogay in dhowaan ay bilaaban doonto daad-gureynta xubnahaan, ayaa intaas ku daray in qeybtii koowaad oo ka koooban 8-10 xubnood ay dhoofayaan.

Howlwadeenadan kasoo kala jeeda gobolada Uttar Pradesh, Bihar, Himachal Pradesh, Punjab iyo Gujarat ayaa shirkadda waxay qandaraaska la galeen 1-da bishii August ee sanadkan aynu ku guda jirno ee 2020.

"Howlgalkeenna Kenya oo ah mid khuseeya Soomaaliya ayaan ka helnay macluumaad iyaga ku saabsan waxayna mas'uuliyiintayadu ka safreen Kenya xilli tageen Soomaaliya iyagoo gacan ka helaya xafiiska arrimaha dibedda ee halkaas jooga waxay la hadleen shirkadda iyo shaqaalaha," ayuu yiri.

Isagoo qaab online ah ugu waramay saxaafada ayuu ku daray: "Wadahadal kadib, [madaxda] shirkadda waxay isku raaceen in ay bixiyaan lacagaha ay ka doonayaan muwaadiniinta Hindida ah, waxay kaloo sheegeen inay fududeynayaan shaqsiyaadka Hindida ah ee doonaya inay dalkooda ku laabtaan".

Todobaadkii hore ayay ahayd markii, wasiirka arrimaha dibadda waddanka Hindiya, Jaishankar, uu ku dhawaaqay in ay ka shaqeynayaan badbaadinta howlwadeenadan una kaashanayo safaaradooda Kenya iyo dowlada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM