India oo warbixin kasoo saartey muwaadiniinta "looga haysto Muqdisho"

Image

NEW DEHLI, India – Wasiirka arrimaha dibadda India, Subrahmanyam Jaishankar, ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii ay waddankooda dib ugu soo celin lahaayeen muwaadiniinta 33-ka ah ee looga haysto caasimada Muqdisho.

Jaishankar ayaa shaaca ka dhigay in ay wadaan dedaalo ay gargaar ku gaarsiinayaan shaqaalahan ka tirsan shirkad gaar loo leeyahay.

"Wasaaradda arrimaha dibadda iyo howlgalkeena Nairobi waxay u gargaarayaan kana shaqeynayaan sidii u soo laaban lahaayeen 33-ka muwaadin ee ku xayirmay Muqdisho, Soomaaliya," ayuu kusoo qoray boggiisa Twitter-ka.

Qoraalka ayuu raaciyey: "Howlgalka India ee Nairobi wuxuu talaabo ku haboon isagoo la shaqeynaya mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya".

"Waxaan sidoo kale wadashaqeyn la leenahay safaaradda India ee Soomaaliya. Xal in la helo ayaan rajeynayaa," ayuu kusoo gabagabeeyay.

Sidda laga soo xigtay warbixino warbaahinta maxaliga ay faafisay, shaqsiyaadkan oo la shaqaaleysiiyey 1-dii bishaan Janaayo waxaa xorriyadda ay ka qaadan yihiin in ka badan sideed bilood isla markaana aysan qaadan mushahar.

Shan iyo labaatan kamid ah xubnahaan ayaa la sheegay in ay kasoo jeedaan degaano kala duwan oo hoostaga gobolka caanka ah ee Utter Pradesh.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo shirkadda la eedeeyay oo lagu magacaabo SOM Steel Limited ayaan wali wax war ah kasoo saarin warbixinadan. Xukuumadda Muqdisho kama jawaabin codsiyo ku saabsan in ay ka hadasho kiiskan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM