Iran oo shaacisay dakhliga kasoo galay agab ay u iib-geysay Soomaaliya

Image

TEHRAN, Iran – Dowladda Iran ayaa si furan waxay shaaca kaga dhigtay in uu dakhli heer sarre ah uga soo xaroodey qalab ay sanadkii lasoo dhaafay u iib-geysay waddamo ay safka hore kaga jirto dowladda Soomaaliya.

Farzad Piltan, agaasimaha xafiiska hay'adda horumarinta ganacsiga Iran ee dalalka Afrika iyo Crabta oo u waramay wakaaladda FNA, ayaa daaha ka rogay in lacagta ay ka heleen ay gaareyso aduun dhan $2 milyan.

Sidda laga soo xigtay Mr Piltan, qalabka ay xukuumadda Tehran u dhoofisay wadamada Soomaaliya waa agabka dhismaha guryaha.

Dalalka Soomaaliya ku wehliya ganacsigaan ayuu ku kala sheegay; South Africa, Tanzania, Kenya, Ghana, Ivory Coast iyo Nayjeeriya.

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray in isla agab dhisme oo ay dhoofiyeen Iraq and Afghanistan, Turkey, United Arab Emirates iyo Azerbaijan ay ka heleen aduun lacageed gaareysa 620 milyan oo Doolar.

"Barnaamijkan ay wadamada Carabta iyo Afrika uga iibineyno qalabkeena waxaa hadafkiisu yahay in aan meesha ka saarno caqabadaha dhaqaale, wallow marka la fulinayo ay soo food-saarto caqabado maxaliya," ayuu xusay.

Tehran waxaa saaran cunaqabateyn uu Mareykanka kusoo rogay, arrintaas oo saameyn buuran ku yeelatay dhaqaalaha iyo wax soo saarka dalka.

Iiraan ayaan cilaaqaad fiican lala lahayn Soomaaliya mana jiro heshiis rasmiya oo ay kala saxiixdeen si ay ganacsi isu weedaarsadaan, taasoo ka dhigan hadii sheegashadan run tahay in agabka dhuumaaleysi lagu keenay.

Sikastay ahaato, shaacintan ayaa sarre u sii qaadeysaa tuhunka laga qabay in ay gudaha Soomaaliya ka howlgalaan dulaaliin ama wakiilo u adeega Iran kuwaasoo suuq-geeya wax-soosaarka Tehran oo uu kamid yahay shidaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM