Is-mari-waa ka taagan in baareyaal Kenyan ah ay booqdaan Bardaale

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Is-mari-waa ayaa waxaa lagu waramay in uu ka taagan yahay in baareyaal Kenyan ah ay booqdaan goobta ay diyaaradda kusoo dhacday ee Bardaale, gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhowr illo wareed oo kala duwan ayaa xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya iyo ciidamadda Itoobiya ay ka goos-adeegayaan in baareyaasha Kenya ay u ogolaadaan socdaal ay ku tagaan goobta musiibadu ka dhacday.

Baareyaasha Kenya oo ka socda shirkada diyaarada iska leh iyo taliska milatariga ayaa doonaya in ay baadigoobaan Sanduuqa Madow ee keydiya dhamaan xogta diyaaradda laga bilaabo marka ay ka duusho garoonka.

Sanduuqa Madow oo la helo ayaa dhabaha u xaari kara in la ogaado sababta dhabta ah ee keentay soo dhicitaanka diyaaradda, oo calaamad su'aal ay ka taagan tahay waqti xaadirkaan, warar kala duwana ay jiraan.

Warbaahinta ayaa farta ku fiiqeysa ciidamadda Itoobiya ee fariisinka ku leh nawaaxiga garoonka diyaaradaha magaalada Bardaale, wallow ay iska fogeeyeen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in wadahadalada Baareyaasha Kenya loogu ogolaanayo in ay booqdaan meesha ay u dalaceen madax sarre, walina aan la gaarin is-afgarad dhameystiran.

Diyaaradda soo dhacday, oo uu leeyahay ganacsadaha Muuse Bulxaan oo ah mulkiilaha shirkadda African Express, ayaa ka duushay magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in ay wadday shixnad u badan gargaar caafimaad.

Lix qof oo guud ahaan la socday duulimaadka, kuwaas oo laba kamid ah ay ahaayeen duuliyeyaal, Injineerka diyaaradda iyo saddex kale, ayaa waxaa lasoo wariyey in ay ku nafwaayeen shilkaas dhacay galabnimadii shalay oo Isniin ahayd.

Xasan Xuseen Eelaay, wasiirka duulista hawada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah, ayaa diidey in uu ka jawaabo wararka ciidamada Itoobiya la xiriirinaya burburka diyaaradda.

Maamulka diyaaradda, qoysaska dadka ku dhintay shilka, dowladooda iyo dadka degaanka Bardaale ayaa isha kuwada haya baaritaanka la shaaciyey in lagu bilaabay burburka diyaarada oo ay bud-dhig u ah Sanduuqa Madow oo la helo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM

Ciidamada Puntland oo hawlgal ballaaran ka fulinaya godadka Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku guuleystay inay yareeyaan saamaynta iyo firfircoonida kooxda ISIS.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 11:06AM