Isbadal lagu sameeyey garsoorka Somaliland

Image

30 Augusto, 2015(GO)-Garsoorka Somaliland ayaa lagu sameeyey isku shaandhayn  isugu jirta xilalka qaadis iyo bedalid lagu sameeyey in ka badan 90 xubnood.

Guddida cadaaladda Somaliland ayaa soo saaray go’aankan isku shaandhaynta ah ,waxaana xubnaha arintani saameysay ka mid ah gudoomiyaasha maxkamadaha gobolada, degmooyinka, xeer ilaaliyaayaal, iyo garsorayaal, sida warbaahinta u sheegey wasiirka cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid.

Go’aankan ka soo baxay guddida cadaaladda ayaa waxaa xilkii lagaga eryey 16 xubnood oo iskugu jiray garsoorayaal iyo ku-xigeeno xeer Ilaaliyayaal Guud, kuwaasi oo ka hawl-galayey maxkamadaha goboladda Maroodi-jeex, Togdheer, Sanaag, Saaxil iyo Sool.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM