"Isbarbaryaaca" ka dhex-jira DF ee awooda ka xayuubisey wasiiradda
MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiiradda ka tirsan xukuumadda Nabad iyo Nolol ma lahan awood ay kaga doodi karaan go'aanada inta uu socday shirka golaha wasiiradda, sidda ay xaqiijiyeen xubno horey uga tirsanaa.
Taas bedelkeeda waa "haye raac" waxaana go'aanada ay kasoo fulaan xafiisyo kale, sidda ay ka dhawaajiyeen mas'uuliyiin lasoo shaqeeyay oo uu kamid yahay danjire Daahiir Maxamuud Geelle.
Geelle ayaa 1-da bishii Maaj ee sanadkii hore 2019 wuxuu iska casilay xilka Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska. Sababta uu shaqada uga tegay wuxuu ku sifeeyay shan arrimood oo waaweyn.
Kala aragti duwanaan hanaanka federaalka, xiriirka maamuladda, warbaahinta, caalamka iyo siyaasadda dhanka ammaanka ayuu ku kala sheegay sabaha ugu waaweyn.
Isagoo u waramay telefishinka maxaliga ah ee RTN, safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey Sacuudiga ayaa hoosta ka xariiqay in kaalinta ay wasiiradu ku leeyihiin dowladda Farmaajo ay tahay mid aad u hooseysa.
"Xafiis dowladeed markaad joogtid oo aad shaqeyneysid waxaa jira waxyaabo badan oo sir ah xili mucayin ahna la sheegi karo, qaar kelana aan la sheegi karin, waxyaabaha qaarkoodna in la sheego ma'ahan, gole wasiiro ayaan ka tirsanaa dalka Soomaaliya arrimahiisa ayaa laga hadlaayey kaliya maanta haddii sifey lii yiraahdo waxaan dhihi karaa [doorka] wasiirka uu leeyahay, golaha wasiirada dhexdeeda uu ku leeyahay xukuumadii hore waan ka tirsana, xukuumadihii horana waan ka war-qabaa xiliga uu ugu yaraa xiliga uu ugu ciriirisanaa ayay ahayd, laakiin ma arabo in aan banaanka soo qabo asraarta xafiisyada dowladda ka dhaceysa in aan banaanka soo qubo, kaliya kaalinta ay wasiirada ku lahaayeen xukuumadihii hore iyo kaalinta ay wasiiradda ku leeyihiin xukuumadda hadda jirta, waxa aad u yar kaalinta ay wasiiraddu ku leeyihiin xukuumadda haatan jirta," ayuu daboolka ka qaadey diblumaasiga.
Wallow Daahir uusan magacyo shaacin, Fahad Yaasiin Daahir, taliyaha sirdoonka Soomaaliya iyo shaqsiyaad kale oo isaga ku dhow, ayaa la aaminsan yahay in ay sheeda sarre ka maamulaan go'aanada waaweyn.
"Golaha wasiirada dalka iyagaa ka taliya, ra'iisul wasaaruhuna waa uu guddoomiyaa, madaxweynuna waa waayeel qaran, awooduhu haddii ay u guuraan waxay u guureen xafiisyo aan loogu talagelin, marka waxaa timaada xafiis aan lala xisaabtami karin in uu xukunka hayo marka, macnaha waxaa la rabaa awooda iyo xukunka in ay mas'uuliyaddi la socoto, mas'uuliyadda qofka ay ku qoran tahay markaad ka wareejisid oo qof aan lahayn aad ku wareejisid, dhibaato badan ayaa dalka ku timaado, waxa ugu horeeya ee ku imaanayo waa sooyaalka sidaan bey ahaan jirtay oo dadka ay ka dhumaan hanaankii sharciga, waxa ku xiga waxa waaye in aan dadka lala xisaabtami karin; hadii xogheyn iyo xafiis, dad noocaasi ah ay awoodihii haystaan oo wasiirka iyo dadkii sar-sarre aysan awoodihii haysan ceebahaas ayaa ka yimaada," ayuu raaciyey, isagoo ka gaabsaday in uu tafaasiil dheeri ah bixiyo.
Wuxuu kusoo xiray hadalkiisa: "Ma rabo in ay da'yarta Soomaaliyeed niyad-xumaadaan, laakiin waxaan rabaa in ay ogaadaan golaha wasiirada iyagaa dalka ka taliya, ra'iisul wasaaruhuna waa uu gudoomiyaa, madaxweynuhuna waa waayeel qaran, baarlamaankana waa korjoogteeyaa, waanna ansixiyaa, garsoorkana wixii jebiya oo ku dhaqmi waaya ayuu xukmiyaa, intaas wixii ka gedisan, waa wax aan dalka iyo dadka aan anfacaynin".
Dowladda Farmaajo oo mudada xileedkeeda uu kaga harsan yahay bilooyin waxaa isa soo taraya digniinaha loo dirayo oo ku saabsan in iyaddoo ka faa'iideysaneysa fayruska Corona ay dib u dhigto doorashooyinka 2020-21.
GAROWE ONLINE