Isbedel lagu sameeyay bileyska garoonka Aadan Cadde

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha ciidamadda booliska Soomaaliya, Jeneraal Xijaar, ayaa waxaaa lagu waramay in saldhiga bileyska garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu hoos-geeyay taliska guud ee booliska gobolka Banaadir.

Talaabadan ayaa waxaa la sheegay in ay la macno ah in taliyaha booliska gobolka Banaadir, Jeneraal Saadaq John, uu awood u leeyahay magacaabida, xil ka qaadista iyo howlgelinta saldhiga booliska madaar Aadan Cadde.

Wareegtadda Jeneraal Xijaar ayaan lagu caddeynin sababta dhabta ah ee ka dambeysa talaabadan oo timid xilli dalka ku jiro xaalad cakiran.

Lama ogga hadii isbedelkan uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed oo dowladda waqtiga ka dhacay rabto in ay ku cadaadiso mucaaradka diidan.

Saadaq John ayaa horey ugu lug-yeeshay weeraro lagu qaadey siyaasiyiinta dooneysa in ay xilka ka bedelaan madaxweyna muddo xileedkiisa uu dhamaadey Farmaajo kaasoo in ka badan bil xilka ku jooga "si sharci daro ah".

Warbixino uusan wali xaqiijin warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in dowladda waqtiga ka dhamaadey ay isbedelkan ugu sameysay saldhiga booliska gobolka Banaadir markii ay ku hungowday adeegsiga askarta AMISOM.

Ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa todobaadkii hore isku dayey in ay ilaaladda ka reebeen Midowga Musharaxiinta intii ay ka qeybgalayeen Salaadda Janaazada ee madaxweynihii 4aad Cali Mahdi Muxumed.

Farmaajo ayaa wajahaya eedeymo ay kamid yihiin; in uu diidan yahay qabashada doorashooyin daahfuran, wadahadalo laga yeesho khilaafka doorashooyinka iyo in uu ciidamadda siyaasadeeyay una adeegsanayo damaciisa gaarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM