Isbedel lagu sameeyay maamulka gobolka Gedo

Image

GARBAHAAREY, Jubaland – Isbedel dhanka maamulka ah ayaa lagu sameeyay gobolka ay gacan ku hayntiisu isku hayaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Jubaland ee Gedo xuduntana u ah khilaafka doorashada 2020-21.

Cismaan Nuux Xaaji Macalimuu ayaa laga qaadey xilka gudoomiyaha gobolka, waxaana lagu bedelay Axmed Buulle Gareed, sidda uu wareegto ku sheegay Cabdiraxmaan Caweer, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Jubaland.

Mr Caweer ayaa sanadkii lasoo dhaafay kasoo baxsaday caasimadda ku meelgaarka Kismaayo isaga oo isku-dhiibay dowladda federaalka ah.

Macalimuu oo horey u ahaa sarkaal ciidan ayaa aad ugu jaranjeera Villa Soomaaliya, waxaana uu u fuliyey qorshaheeda gobolkaas xadka dhaca.

Maamulka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaan wali wax war ah kasoo saarin xil ka qaadista lagu sameeyay Cismaan Nuux Xaaji Macalimuu.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gobolka Gedo ku qabsatay awood ciidan, talaabadaas oo Jubaland ay ku sifeysay "duulaan aan sharciga waafaqsaneyn".

Villa Soomaaliya ayaa dooneysa in ay soo saarato Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ah kasoo gelaya gobolka Gedo, halka Jubaland ku adkeysatay in ay doorasho ka dhici karin illaa ciidamadda ay halkaas joogan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM