Isimmada SSC-Khaatumo oo taageeray go’aamadii Isimmada Puntland

Image
Afhayeenka ayaa bogaadiyay go'aankii Madaxweyne ku xigeenka Ahmed Cilmi Cismaan (Karaash),

GAROWE, Soomaaliya - Isimada SSC-Khaatumo ayaa soo dhaweeyay go’aamadii Isimada Puntland ee ku saabsanaa doorashada, iyo hadaladii ka soo yeeray Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Afheyeenka Isimmada SSC-Khaatumo Garaad Abdisalan hassan ayaa ku yiri qoraal kooban oo uu soo saaray:

“Waxaan soo dhaweynayaa go'aamadii ay soo saareen isimada dhaqanka Puntland ee ahaa in doorashada Puntland lagu qabto 49 xildbibaan.”

Afhayeenka ayaa Sidoo kale bogaadiyay go'aankii uu qaatay Madaxweyne ku xigeenka Ahmed Cilmi Cismaan (Karaash), kaas oo isagna tageeray in doorashada lagu qabto 49 xildhibaan.

Afheyeenka Isimmada SSC-Khaatumo Garaad Abdisalan hassan ayaa ugu dambeyn u rajeeyay Puntland “doorasho wanaagsan” iyo barwaaqo-sooran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Sheegay In Uusan Wadahadallo Kula Jirin Somaliland Si Loo Aqoonsado

Madaxweyne Trump ayaa dhawaan mar kale muujiyay xiisaha uu u qabo arrimaha amniga ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 05:02PM

Kenya oo Dhex-dhexaadinaysa Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe

Khilaafkan siyaasadeed wuxuu imaanayaa xilli uu muran xooggan ka taagan yahay wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 01:02PM