Iska-horimaad ka dhacey gudaha magaalada Cadaado

Image

August 21, 2015 (GO)- Waxaa xalay magaalada Cadaado ka dhacay iska horimaad dhexmaray kooxo hubeysan oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Ahlu Sunna Waljamaaca iyo ciidamada maamulka magaaladaasi ka arrimiya ee Galmudug.

Iska horimaadka ayaa shacabka magaaladu ku sheegeen inuu yahay mid salka ku hayo xarig loo geystay mid kamid ah madaxweyne ku-xigeenada maamulka gobalada dhexe ee Ahlu Sunna Waljamaa Cabdullahi Daacad oo ay magaalada Cadaado ku xireen ciidamada ka amar qaata Cabdikariim Guuleed Madaxweynaha Galmudug.

Sargaal ka tirsan  Ahlu Sunna ayaa tilmaamay in ciidamada Galmudug shalay kala baxeen hotelkii uu ka degenaa magaalada Cadaado madaxwayne ku-xigeenkaasi, isagoo lagu xirey saldhiga la weerarey. 

Dagaalka dhexmaray labada dhinac ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen askartii saldhiga illaalada ka ahayd, basle la sheegay in kooxda weerarka qaaday aysan ku guuleysan inay halkaasi kala baxdo Daacad oo la sheegay inuu weli halkaasi ku xiran yahay.

Arintaana ayaa imaanaysa xilli labo maamul ka dhisan yihiin magaalada Cadaado iyo xarunta gobolka Galgaduud, iyadoon cirka isku sii shareerayso colaada ka dhextaagan labada dhinac.

GAROWEONLINE
 

Related Articles

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM

Sheekh Shariif oo u guuray waqooyiga Muqdisho si uga baaqsado xabsi guri suurtagal ah ka hor bannaanbaxa

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kamid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ee diyaar u ah inay ka qeyb galaan bannaanbaxa.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:23PM