Itoobiya oo ku eedeysay dalal taageeray Soomaaliya inay codow ku yihiin Itoobiya

Image
La taliyuhu ayaa sheegay in dhinacyadan ay isku dayayaan inay ka faa'iidaystaan ​​khilaafka.

Addis Ababa (GO) - La Taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Radwaan Xuseen ayaa ka hadlay taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya heshay, kaas oo ka dhan ah damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya.

La taliyuhu wuxuu ku eedeeyay dhinacyada caalamiga ah ee soo farageliyay Khilaafkan islamarkaana taageeray Soomaaliya, inay cadow ku yihiin Itoobiya, ayna isku dayeen inay ka faa'iidaystaan ​​khilaafka gobolka ka aloosan.

"Waxaa jira jileyaal aan taageero u fidin Soomaaliya xilliyadii ay u baahanayd, kuwaasoo isku dayaya maanta inay isku muujiyaan inay yihiin saaxiibo dhab ah, balse waxaa cad in waxa ku dhiirri-gelinaya fargelinta khilaafkan aysan ahayn taageerida Soomaaliya, balse cadowtooyada ay u qabaan Itoobiya,”.

Falanqeeyayaasha Siyaasadda ayaa horey uga digay cawaaqibka ka dhalan kara in dalalka gobolka loo horseedo dagaal militari oo sabab u ah dadaalka ay Itoobiya ku dooneyso inay ku hesho qeyb ka mida badda Soomaaliya.

GaroweOnline.

 

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM