Itoobiya oo Safiir Cusub usoo Magacowday Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Itoobiya ayaa u magacowday Danjire Suleiman Dedefo inuu noqdo safiirka cusub ee dalkaasi u fadhiya Soomaaliya, isagoo beddelaya danjire Mukhtar Mohamed Ware oo ay Soomaaliya eriday bishii Abriil ee sannadkii hore.

Danjire Waare ayaa laga saaray dalka kadib markii xiriirka labada dowladood si weyn hoos ugu dhacay, kaddib heshiis muran dhaliyay oo ay Itoobiya kula wareegtay 20km oo xeeb ah oo ay Somaliland sheegtay, taasoo qeyb ka ahayd dadaal ay Addis Ababa ku raadineysay aqoonsi rasmi ah oo ay ka hesho maamulkaasi iskiis ugu dhawaaqay madaxbannaani.

Xiisaddaasi diblomaasiyadeed ayaa dhammaatay kaddib markii madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ee Turkiga uu dhex-dhexaadin sameeyay, taasoo horseeday in Itoobiya iyo Soomaaliya ay kala saxiixdaan heshiis ay ku ixtiraamayaan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee midba midka kale.

Danjire Suleiman Dedefo, oo horey ugu fadhiyay dhowr dal oo muhiim ah, ayaa la filayaa inuu dib u bilaabo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, xilli ay Soomaaliya weli si taxaddar leh uga fiirsaneyso xiriirka ay la leedahay Addis Ababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Culus oo Baydhabo ka Qarxay, Ciidamada Lafta-Gareen oo Sheegay inay Qabsadeen Magaalada

Baydhabo oo ah caasimadda Koonfur Galbeed ayaa ah magaalo muhiim u ah siyaasadda iyo amniga koonfurta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-08-2026

  • 07:07AM

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM