Jaaliyadaha dalal ay ku jirto Soomaaliya oo laga cafiyey lacago

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa cafisay lacago ay ku lahayd jaaliyadaha shan dal oo ay kamid tahay Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha dibadda xukuumadda Riyadh ayaa warkaan si rasmi ah ugu dhawaaqdey, maanta oo Talaado ah.

Sidda ku xusan bayaanka, dalalka muwaadiniintooda laga dhaafay lacagta ayaa kala ah; Soomaaliya, Itoobiya, Eritrea, Chad iyo Nigeria.

Lacagta oo aan lasoo bandhigin cadadkeeda ayaa ah mid ay isaga bixin jireen dal ku galka ama waxa afka qalaad loogu yeero visaha.

"Go'aankan wuxuu yimid markii si qoto dheer loo eegay ayna soo baxdey in ay isaga bixin waayeen muddadii loo qabtay ee 90-ka cisho," ayay tiri.

Cafiska ayaa ka dhigan in dadka u xayirmay lacagtaas ay haatan awood buuxda u leeyihiin in ay wadamadooda dib ugu laabtaan.

Dhanka kale, Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa dhowaan ammaan buuxda kala dul-dhacay Sacuudiga.

"Boqortooyadda aan walaalanahay ee Sacuudiga waa dalka taageerada ugu badan siiya Soomaaliya," ayuu u sheegay warbaahinta.

Bishii Janaayo 7-deeda, 2020, Soomaaliya ayaa ku biirtay gole uu aas-aasey Sacuudiga, kaasoo ay ku mideysan yihiin wadamada dhaca Badda Cas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM