Jabuuti oo beenisay inay eedeyn u jeedisay ciidanka Itoobiya

Image

25 August, 2015 (GO)-Taliska ciidanka xoogga dalka Jabuuti ayaa beeniyay war ay tabiyeen qaar ka tirsan warbaahinta Soomaalida kaasoo ahaa in taliyaha ciidanka dalkaasi ee ku sugan gobolka Hiiraan uu eedeyn u jeediyay ciidanka Itoobiya ee ku sugan gobolka.

Taliyaha ciidanka Milateriga Jabuuti Generaal Sakariye Sheekh Ibraahim ayaa sheegay inaanay eedeyntaasi ahayn mid ka timid Wwasaaradda gaashaandhigga Jabuuti ama hoggaanka sare ee ciidanka dalkaasi.

Sakariye ayaa intaas ku daray in labada ciidan ay leeyihiin hal u jeeddo oo ah inay ka shaqeeyaan sidii loo soo celin lahaa nabadda iyo kala dambaynta Soomaaliya, balse aysan wadan dano kale.

Eedeynta ayuu ku tilmaamay mid lagu doonayo in kalsooni darro laga dhex abuuro labada ciidan, lana carqaladeeyo hannaanka Nabadda Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada ay ka howlgalaan ciidanka AMISOM ee Waaxda Afaraad.

Dhawaan ayay ahayd markii Kornayl Cabdiraxmaan Cabdi Dhimbil oo ku sugan Gobolka Hiiraan uu sheegay inay Soomaaliya ku sugan yihiin ciidan Itoobiyaan ah oo aan ka mid ahayn AMISOM, wuxuna xusay in looga baahan yahay dowladda Soomaaliya inay qeexdo doorka ciidanka Itoobiya ee aan ka midka ahayn AMISOM.

 

Garoweonline.com

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM