Jadwalka doorashada kuraas Aqalka Hoose ah oo la shaaciyey

Image
Xulista mudaneyaasha Golaha Shacabka ayaa si dardar leh uga soconeysa qaar kamid ah gobolada dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga doorashada ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray jadwalka doorashada saddex kursi oo ka mid ah xubnaha deegaan doorashadooda ay tahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Saddexda kursi ee la shaaciyey ayaa kala ah HOP#126, HOP#118 iyo HOP#127, sida ku xusan warqadda kasoo baxay guddiga doorashada ee heer dowlad goboleedka Jubbaland.

Kuraastan ayaa waxaa ku kala fadhiyey : HOP#126 Maxamed Xasan Idiris, HOP#118 - Swaqar Ibraamin Cabdalla - iyo HOP#127  Cali Cismaan Xirsi.

Guddiga ayaa ku dhowaaqaday in doorashada saddexdaan xubnood la qaban doono 26-ka bishan Janaayo oo ku beegan maalinta Arbacada ee soo socota.

Dhinaca kale, guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa isna shaaciyey jadwalka saddex kursi oo ka mid ah kuraasta taalla deegaanada maamulkaasi.

Kuraasta la shaaciyey ayaa kala ah HOP#056 oo uu ku fadhiyay Maxamed Jaamac Mursal, HOP#002 oo uu ku fadhiyay Cabdullaahi Sheekh Maxamuud iyo HOP#231 oo uu ku fadhiyay Maxamuud Macalin Yaxye.

Sidoo kale, guddiga ayaa jadwalka uu soo saaray ku sheegay in doorashada kuraastan la qabanayo 25-ka bishan Janaanyo ee sanadkan 2022-ka.

Koonfur Galbeed ayaa shalay soo saartay illaa shan xildhibaan, kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM