Jadwalka doorashooyinka 2020-21 ee Soomaaliya oo la shaaciyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Villa Soomaaliya ayaa shaacisay jadwalka doorashooyinka dalka markii Farmaajo iyo Madaxda maamulada ay ka aheshiiyeen dhismaha gudiyadda, hanaanka lagu dooranayo Xildhibaanada iyo Madaxweynaha.

Aqalka Sare waxaa lasoo xulayaa 1-10 December 2020, halka Aqalka Hoose loo muddeeyay 10-27 Dec 2020. Doorashada hogaanka labada gole iyo madaxweynaha waxay dhici doontaa 1da January illaa 8da Febraayo 2021.

Shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartamaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka:.

1. In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed
2. Dhimirkiisu u dhan yahay
3. Da’diisu ka yarayn 25 sano
4. Aan xuquuuqdiisa muwaadinimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay.
5. Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.
6. In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah
7. In uu haysto waraaqda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) ee dalka.
8. Musharax kasta oo u tartamaya Galaha Shacabka ama Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka.
a. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (labaatan kun oo dollar) musharax kasta.
b. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Golaha Shacabka waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) musharax kasta.
c. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma celinayo.  

Kuraasta Gollaha Shacabka oo ka koobnaan doonto 275 waxaa loo qeybsaday sida:

Puntland 37

Koonfur Galbeed 69

Jubbaland 43

Hirshabeelle 38

Galmudug 37

Somaliland 46

Banadir 5

Hoose ka akhriso sida Beelaha loogu qeybiyay Xildhibaanada:

Shaacintan ayaa soo gabagabeyneysa madmadowgii ku jiray heshiiskii 17-kii September lagu saxiixay Villa Soomaaliya. Wuxuu si lamid ah meesha ka saarayaa cabsidii laga qabay muddo kororsi sharci darro ah oo madaxda dalka sameysato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM