Jahwareer siyaasadeed oo kasoo cusboonaadey maamulka HirShabelle

Image
Image

JOWHAR, HirShabelle – Qalalaaso siyaasadeed oo horleh ayaa wuxuu kasoo cusboonaadey HirShabelle xilli qorshuhu yahay in dhamaadka sanadkan ay dhacaan doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinimada.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo afhayeenka baarlamaanka dowlad goboleedkaas, Cismaan Barre Maxamed, ayaa lagu waramay in uu u dhaxeeyo khilaafka oo u muuqda mid gaarey heerkii ugu sareeyay.

Wallow siyaasiyiinta mucaaradka maamulkaas ay shaki ka muujinayaan xasarada soo if-baxdey, illaa iyo haatan ma cadda wuxuu salka ku hayo ismaandhaafka.

Saacadihii lasoo dhaafay mudaneyaal kala taageersan labada dhinac, Waare iyo Cismaan Barre, ayaa miiska saarey [gudbiyey] mooshino iska soo horjeeda.

Cabdi Xuseen Geedi, gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada HirShabelle, ayaa qabtay soo-jeedin ay "saxiixeen" 60 sharci-dejiyeyaal kaasoo ka dhan ah gudoomiye Cismaan Barre Maxamed.

Qudhiisa, Cismaan ayaa shaaciyey in uu 50 Xildhibaan ka gudoomay mooshin ka dhan Waare oo uu si furan ugu eedeeyay "musuqmaasuq xoogan oo xargaha goostay, xadgudub dastuur iyo ku tagrifal awoodeed".

Isagoo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Jowhar, xukuumadda dhexe ayuu ka codsaday in ay soo farageliso mushkilada taagan, si xal waara loo helo.

"Beesha Caalamka iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in HirShabelle ay burbur qarka u saaran tahay, waxaa hareeyay musuqmaasuq, HirShabelle lacagteeda waa la lunsadey, waxaana dowladda federaalka ugu baaqayaa in ay wax ka qabato," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Siyaasiyiinta iyo falanqeeyeyaasha ayaa tuhunsan in is-haysadkan uu yahay "gacan-ku-rimis" isla markaana ujeedkiisu yahay sidii loo baajin lahaa doorashooyinka, talaabadaas oo ay si weyn uga digeen.

Doorashooyinka madaxtinimada iyo baarlamaanka HirShabelle ayaa loo muddeeyay in ay qabsoomaan bilaha September iyo October ee sanadkan 2020. Kadib dilaaca Coronavirus, Waare wuxuu shaki geliyey arrinkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM