James Swan oo ka degay magaalada Kismaayo

Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - James Swan, ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa Axada maanta ah ka degay magaaladda Kismaayo halkaas oo uu wadahadalo kula yeelanayo hogaanka maamulka Jubaland.

Socdaalkan ayaa qeyb ka ah booqashooyin uu ergayga ku maray xarumaha maamul goboleedyada waddanka isla markaana uu xalka waara ugu goobayo is-mari-waaga ka taagan in doorashooyinka 2020-21 ay waqtigooda ku qabsoomaan.

Swan ayaa horey u booqdey magaala madaxda maamul goboleedyadda Koonfur Galbeed, Galmudug, Puntland iyo HirShabelle, isaga oo wadahadalo la yeeshay hogaamiyeyaasha dowladahan xubinta ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Tagitaankiisa Kismaayo ayaa kusoo hagaagtay maalin kadib markii wakiilada Beesha Caalamka ay Villa Soomaaliya kula shireen madaxweynaah muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadka ku dhow-yahay Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Kulanka diblumaasiyiinta kadib, madaxweyne Farmaajo ayaa iclaamiyey shir wadatashi ah oo 1-da Febraayo illaa 3-da Febraayo ay magaaladda Dhuusamareeb ku yeelanayaan madaxda dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyadda.

Illo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in muddeynta kulan dhexmara dowladda federaalka iyo maamulada si ay is-afgarad u gaaraan kahor 8-da Febraayo oo waqtiga dowladda uu dhamaanayo.

Shirka ka dhacaya caasimadda Galmudug ayaa rajeynaya in diiradda lagu saaro saddexda qadiyadood ee khilaafka ka taagan yahay oo kala ah; guddiyadda, ciidamadda dowladda ka jooga gobolka Gedo iyo xulista wakiiladda maamulka Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM