​Janan katirsan ciidamada dowladda Somalia oo Muqdishu lagu dilay

Image

MUQDISHU, Somalia- Koox hubaysan ayaa Caawa Muqdishu ku dilay Sarkaal sare oo kamid ahaa ciidamada dowlada federaalka ah ee Somalia.

Goob Jooge ayaa GO u xaqiijiyay in Labo Nin oo Bastoolado ku hubaysnaa ay toogasho ka gaysteen degmada Waaberi, iyagoo qudha ka jaray Jeneraal Cabdicasiis Caraaye, oo ahaa Sarkaal katirsan ciidamada dowladda Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in Kooxda dilka fulisay ay si nabad ah goobta uga baxsadeen, kahor intaysan ciidamada dowladda soo gaarin. 

Al Shabaab ayaa sheegtay Mas'uuliyadda Dilka Jen  Caraaye.

Saraakiisha ciidamada dowladda kama aysan hadlin Dilka loo gaystay Janankaasi.

Dhanka kalena, xaafadda Hodan ee magaalada muqdishu gaar ahaan suuq Qaadka lagu qaybiyo ayaa waxaa caawa ka dhacay qarax, galaaftay nolosha haweenay. 

Waxaa la rumeysanyahay in walxaha qarxa lagu xirey gaari uu leeyahay nin ganacsade ah, suuqana uu ku qarxay gaarigaasi.

Dilka Sarkaalka ayaa qeyb ka ah falal qorsheysan oo qur goyn iyo Qaraxyo isugu jiray, kuwaasoo muddooyinkii dambe kusoo badanayay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM