Janan: Nin qurba joog ah ugama tageyno degaanadeena

Image

KISMAAYO, Jubaland – Wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Sheekh Maxamuud Cabdinuur [Janan] oo ka hadlay dagaalkii 25-kii Janaayo, 2021 ka dhacay magaalada Beledxaawo ayaa ku qeexay "dagaal sharci ah iyo jihaad".

Janan oo si cad u sheegay in "dulqaadkii uu ka dhamaadey" ayaa ku eedeeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa sii dhamaanayo Farmaajo in uu soo xiray dhamaan albaabadii xal nabdoon loogu goobayey xiisadda gobolka Gedo.

Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, musharaxiinta iyo siyaasiyiinta ayuu uga mahadceliyey dedaalka ay ku bixiyaan xalinta qadiyadan.

"Waxaan galeynaa dagaal xaq ah oo aan sharafteena ku difaacaneyno. Dadka Beledxaawo waxaan u sheegaynaa laga bilaabo saacadan in ay naftooda iyo maalkooda badbaadsadaan oo meeshii ay ku maadan karo ay ku maataan," ayuu Janan warbaahinta ugu sheegay duleedka magaaladda Buula-xaawo.

Madaxweyne Farmaajo ayuu tibaaxay in uu ciidamadda iyo hubka qaranka u adeegsanayo sidii uu dib ugu soo laaban lahaa doorashooyinka 2020-21.

Sidda laga soo xigtay sheegashadda Janan, duulaankooda wuxuu ku wajahan yahay sidii ay dib ula wareegi lahaayeen magaaladda Beledxaawo oo Villa Soomaaliya iyo Taliska Nabad-sugida ay xoog ku qabsadeen sanadkii hore.

"Ma aqbaleyno mana ogolaan karno nin qurbo joog ah in aan uga tagno degaanadeena. Ciidamadda la qalday ee Soomaaliyeed waxaan leeyahay dhiigooda wuu noo banaan inta ay dulmiga hor-socdaan," ayuu tibaaxay.

Qadiyada gobolka Gedo waxay xudun u tahay is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka 2020-21 ay waqtigooda ugu dhacaan si daahfuran, waxaana madaxweyne Farmaajo doonayaan in uu hanto kuraasta baarlamaanka ee gobolkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM