Janan oo ka jawaabay baaqa hub ka dhigista ee maamulka Mandera

Image

KISMAAYO, Jubaland – Cabdirashiid Janan ayaa ka jawaabay hadalka kasoo yeeray maamulka ismaamulka Mandera ee Kenya, oo ku saabsanaa in lagu sameeyo hub ka dhigis isla markaana uu ka baxo gobolkaas.

Mas'uuliyiinta ayaa tibaaxay in Janan uu degan yahay hotel ku yaala Mandera, halkaasna uu ku haysto ciidamo khalkhal iyo cabsi ku abuuray shacabka, sidda ay maanta u sheegeen warbaahinta madaxa banaan.

Wasiirka Amniga Jubaland ayaa sheegay in uusan ku sugneyn gudaha dalka Kenya, isla markaana uu haatan joogo qayb kamid ah magaaladda Beledxaawo.

"Kenya waa dal aan saaxiibo nahay waana tegayaan xiligan doono, maalin dhaweyd baan Nairobi ka yimid, balse hadda ma joogo Mandera, waxaan ku suganahay xaafad ka tirsan Belexaawo," ayuu u sheegay VOA.

Dhanka kale, Janan ka waramay qorshihiisa xiga ee gobolka ayaa ku tilmaamay sidii Gedo dib ugu soo celin lahaa nidaamka dowladnimada, xasiloonida iyo baacsiga Al-Shabaab.

Mar uu ka jawaabay eedeynta ku saabsan in dhaqdhaqaaqyadda uu wado ay u muuqaneyso "in uu isku dirayo" Soomaaliya iyo Kenya ayuu xusay "meesha uu isku dirka ka socdo waa Villa Soomaaliya".

Gabagabadii, wasiir Janan oo ka falceliyey qoraaladii ay xaaladiisa kasoo saartay Hay'adda Amneyst ayaa ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan "laba shaqsi oo ku heeb ah, kuwaasoo ay ku shaqeysaneyso dowlada".

"Amneyst hadii ay ka shaqeyneyso cadaalada may u raadiso dadka lagu laayey Baydhabo iyo aniga oo banaanka sharciga muddo shan bilood ugu afduubnaa dowladda Soomaaliya," ayuu kusoo afmeeray hadalkiisa.

MUUQAALKA JANAN

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM