Janan oo sababeeyay diidmada Jubaland ee ciidanka DF geysay Gedo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Cabdirashiid Janan, wasiirka amniga Jubaland, ayaa bixiyey wareysigii ugu horeeyay tan iyo markii la sheegay in uu ka baxsaday goob uu ugu xirnaa Dowladda Soomaaliya.

Janan oo u waramay idaacadda galabnimo ee BBC-da ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo quseeya xaaladaha ka jira gobolka Gedo.

Cutubyada ay xukuumada federaalka geysay gobolkaas ayuu ku qeexay "ciidamo lagu keenay aragti ka duwan middii ay kuwada shaqeynayeen askartii horey u joogtay degaanada Jubaland".

Ciidamadda maamulada iyo kuwa federaalka ayuu caddeeyay "in ay isla joogi karaan, hadii aanan la siyaasadeyn hadafkooda".

"Hadaba, Kismaayo waxaa isla jooga ciidamo federaalka oo milatari ah iyo kuwa Jubaland leedahay oo isugu jira Daraawiish, boolis iyo nabad-sugi intaba leh, si nabad ah iyo hal shaqo kawada hayo".

Wuxuu raaciyey: "Laakiin, kan la keenay gobolka [Gedo] gaar ahaan degmooyinkaan [Beledxaawo, Doolow iyo Baardheere] aragti taas ka duwan baa lagu keenay, mana shaqeyneyso Insha Allah".

Wasiirka ayaa si adag wuxuu carabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in lagu dhaqmo dastuurka iyo nidaamka federaalka ee hirgalay.

Villa Soomaaliya oo uusan xiriir fiican kala dhaxeyn Jubaland ayaa la sheegay in ay qorsheyneyso maamul kale oo ay ka hirgeliso gobolka Gedo, si ay xasilooni daro iyo is-bar-bar-yaac maamul u abuurto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM