Janan oo shaaciyay shaqsiyaadka xarigiisa ka dambeeyay iyo sababta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdirashiid Janan, wasiirka amniga Jubaland ayaa markale ka hadlay sidii lagu xiray, cidii ka dambeysay inuu mudo 5 bilood ah xirnaado iyo arrimo kale oo ku saabsan qaabkii uu kusoo baxsaday.

Janan ayaa daboolka ka qaadey in xarigiisa ay ka dambeeyeen Fahad Yaasiin, taliyaha NISA, C/llaahi Kulane oo isna katirsan saraakiisha NISA iyo Saadaq John, taliyaha ciidamada booliska gobolka Banaadir.

Wuxuu xusay in aan marna la geynin xabsi, islamarkaana mudo shan bilood ah lagu hayay guryo shacab ay leeyihiin oo ku yaalla degmada Huriwaa, oo kamida meelaha ugu khatarta badan magaalada Muqdisho.

Kadib 35 maalmood markii xarigiisa kasoo wareegtay, ayaa lasoo taagey maxkamadda gobolka Banaadir, isagoo caddeeyay inay Fahad Yaasiin iyo Saadaq John u diideen qareen u dooda oo eheladiisa u qabteen.

Bishii August ee 2019, ayaa Janan laga qabtey Garoonka diyaaradaha Muqdisho xilli uu kusii jeeday Itoobiya, kana yimid dhanka Jubaland, waxaana si toos ah loo geeyay guri qarsoodi ah, oo u kireysan hay’adda NISA.

Wasiirka wuxuu xarigiisa ku tilmaamay "afduub" lamida kuwa Muqdisho dadka loogu geysan jiray xilligii hogaamiye kooxeedka, isagoo dhanka kale shaaciyay in dowladda u maleegtay dembiyo been abuur ah.

Wasiir Janan ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uusan wax lug ah ku lahayn kiiskiisa xariga, oo uu tilmaamay inay wateen shaqsiyaad uu ugu horeeyay Fahad Yaasiin, oo madax u ah NISA.

Xariga Janan ayaa yimid markii dowladda Federaalka ku fashilantay inay ka dhaaciso inuu kala shaqeeyo sidii xukunka looga tuuri lahaa Axmed Madoobe doorashadii ka dhacday Kismaayo August 2019.

Bishii June 2019, todobaadyo kahor doorashadii Jubaland ayaa Janan looga yeeray Muqdisho, oo kulamo qarsoodi ah kula qaatey mas’uuliyiin sare oo dowladda katirsan, iyagoo doonayay inay u adeegsadaan xukun ka tuuriska Axmed Madoobe.

Wadahadallada intii ay socdeen, Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo saartay go’aan ay ku baabi’isay dacwadii Cabdirashiid Janan kusoo oogay xafiiska Xeer ilaalinta qaranka ee ahaa inuu dembiyo ka geystay gobolka uu mas’uulkan kasoo jeedo ee Gedo.

Markii uu dib ugu laabtay Janan magaaladda Kismaayo waxa uu ka baxay wixii lagula soo heshiiyay, isagoo taageeray dib u doorashadii Axmed Madoobe, taasoo dowladda Federaalka kasoo horjeysatay.

Maalmod kadib doorashadda Jubaland, dowladda Federaalka ayaa ku qabatay Cabdirashiid Janan Garoonka diyaaradaha Muqdisho August 2019, isagoo safar ah, waxayna dib usoo celisay dacwadii horey u laashay.

Janan ayaa ku micneeyay xarigiisa mid siyaasadaysan, oo la xiriirtay doorashadii Jubaland, oo aaney waxba ka jirin dembiyadda lagu eedeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya oo Qarka u Saaran Burbur Gudaha ah

Hay’adda oo uu hadda hoggaamiyo Cabdullaahi Maxamed Cali “Sanbalooshe” ayaa…

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:48PM

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM