Jawaari: intaas ka badan mooshinka masii hayn karo

Image

November 21, 2014 (GO)- Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shaaciyey in maalinta Isniinta ee soo socota xildhibaannada loo gudbin doono mooshinka laga  keenay xukuumadda.

Jawaari oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayaa dalka Jabuuti u duuleen ayaa sheegay in muddo intaas kadib uusan mooshinka sii hayn karin sidaas darteed uu ku khasban yahay sida ugu dhaqsaha badan inuu kusoo gudbiyo.

Dhanka kale gudoomiyaha baarlamaanku wuxuu ugu baaqay xildhibaanada inay ilaaliyaan anshaxa iyo xurmada baarlamaanka isagoo ku goodiyey in xildhibaankii si aan munaasib ahayn u dhaqma ee isku daya inuu fadhiga baarlamaanka fowdeeyo tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Fadhiga baarlamaanka ayaa labo mar oo hore oo guddoonka baarlamaanku isku dayey inuu qaybiyo mooshinka buuq iyo fawdo kusoo idlaaday kadib markii xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinkaasi qaylo bilaabeen iyagoo ku dhawaaqayey ereyo ka dhan ah xildhibaanada kale ee mooshinka soo gudbiyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib kulankii labada maalmood qaatay ee kusoo gaba gaboobay Copenhagen ayaa ugu baaqay baarlamaanka inuu shaqadiisa qabsado, hadalkaasoo dad badani u fasirteen inuu ula jeedo baarlamaanku ha dedejiyo ka doodista mooshinka laga keenay xukuumadda uu hogaamiyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM