Jawaari: Khayre wuxuu yiri 'Sheydaan baa na kala dhex-galay aan is-cafino'

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenkii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa markii ugu horeysay wuxuu soo bandhigay nuqul kamid ah xogta kulankii uu la qaatay Xasan Cali Khayre kadib is-casilaadiisa.

Is-araggaas oo qabsoomay bishii April, 2018 ayaa ka dambeeyay kadib dagaal siyaasadeed oo ku dhowaad bil socday isla markaana la sheegay in uu ka dhashay kala aragti-duwanaan iyo mooshino uu qabtay Borofeesarka.

Fahfaahinta uu dibada u soo saarey Jawaari ayaa ka dambeysay markii ra'iisul wasaarihii 19aad ee Soomaaliya, Khayre oo 25-kii July, 2020 uu eryay Aqaka Hoose uu bishaan September 15-keeda uu la shiray mudanaha.

Kulankaas ka dhacay hoyga uu ka degan yahay Muqdisho oo sababay hadal-heyn badan iyo rog-rogitaan kala duwan oo siyaasadeed ayaa yimid maalmo kadib markii Khayre uu iclamaiyey in uu yahay murashax madaxweyne.

Si uu u soo afjaro doodaas baraha bulshadda qabsatay, Jawaari oo u waramay telefishinka maxaliga ah ee Dalsan ayaa meesha ka saarey in wadahadalkooda uu daarnaa in ay ku shiraakoobaan siyaasada mar-xalada kala guurka.

Jawaari ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in kulankan u dambeeyay uu ku saabsanaa raaligelin uu Khayre ka siiyey kaalintii uu ku lahaa dagaalka siyaasadeed oo uu la galay dowladda uu haatan waqtiga ka dhacayo.

Taas bedelkeeda, sharci-dejiyaha ayaa caddeeyay in is-aragoodii Apirl, 2018 uu Khayre si furan uga codsaday cafis, isagoo cuskaday "in uu sheydaan kala dhex-galay".

"Laba berri kadib markii aan istiqaalada dhiibay guriga ayuu iigu yimid noo ducey igu yiri; waan duceysanay sheydaan baa na kala dhex-galay aan is-cafino [buu yiri], markaaas bay ahayd April bay ahayd [raaligelinta] marka dadka waxay fiirinayaan odayga Jawaari ayaa soo salaamay; waxay sheegayaan in aan aniga meesha tagay, in uu isaga ii yimid ma sheegayaan; haddana waxay sheegayaan balaa-balaa," ayuu yiri, isagoo ka gaabsaday shaacinta doorka Khayre ee ridistiisa.

Khayre oo tan iyo markii uu shaaciyey murashaxnimadiisa wadda kulamo ayaa u muuqda mid raadinaya kasoo dhex-muuqashada wararka iyo hadalheyn.

Siyaasiyiinta qaar ee Soomaalida oo dantooda ku gooya go'aanada ayaa badankooda ka hoos-mara fulinta oraahda caanka ah ee "marka aad xil-qabato waxay dadka tusineysaa qofka aad tahay, balse ma bedeleyso shaqsiyadaada".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM