Jawaari oo ka hadley maamulada Somalia ka jira [Dhageyso]

Image

Gudoomiyaha Baarlamanka dowladda Somalia ayaa ka hadlay maamulada dalka ka dhisan iyo magacyada warbaahintu isticmaasho oo uu sheegay inay yihiin kuwo waa faqsaneyn dastuurka KMG ah ee dalka.

Gudoomiye Jawaari ayaa dhinaca kale ka hadlay howlaha maamuladda dalka iyo magacyadda kala duwan ee siyaasiyiinta iyo warbaahintu adeegsadeen.

Jawaari oo ka qayb galay munaasibad looga hadlayay dib u eegista dastuurka qabyada ee dalka ayaa sheegay in maamullada ka jira dalka marka laga reebo Puntland yihiin kuwo aan heysan sharciyad buuxda, isla markaasna warbaahintu i ticmaali karin erayga "dowlada".

“Wax la yiraahado dowlada gobaleed annaga aragtideena Baarlamaan ahaan majiraan sharciyan, aan ka aheyn Puntland oo ka horeysay dastuurka iyo dowaladda  iyadana waxyaabo yar yar ka dhimanyihiin sida dastuurkeeda in la waafajiyo dastuurka dalka, inta kale waa maamul gobaleedyo KMG ah oo lagu dhisay go’aan siyaasi ah oo aan sharci aheyn” ayuu yiri Jawaari.

Gudoomiyaha Baarlamanka Somaalia Maxamed Cismaan Jawaari ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in la fahmo sharuudaha lagama maarmaanka u ah dhismaha maamul gobaleedyada taas oo uu sheegay in guddiga xuduudaha ee uu meel mariyey ay doorweyn ka qaadan doono arimahaan isagoon soo gudbin doono warbixinta maamulkii dhameystirma ee buuxiya shurudaha.

Jawaari ayaa meesha ka saarin in maamulka Galmudug yahay gobol iyo bar isagoo sheegey hadii aysan jirin maamulo dhameytiran maamul KMG ah waxaa noqon kara hal gobol.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM