​Jawaari oo ku wajahan Jowhar iyo Xildhibaano la dhaarinayo

Image

JOWHAR, Somalia- Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka Somalia ee waqtigiisu dhammaaday Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe, haalkaas oo kasocdo shirka maamulka cusub ee loogu magac daray Hir-Shabeelle.

Wararka Warsidaha GO helayo ayaa sheegaya in Gudoomiye Jawaari ka qeybgalayo dhaarinta Xildhibaanada Hir-Shabeelle, oo ka dhacaysa Hoolka Shirka uu ka socdo ee magaalada Jowhar, halkaas oo maalintii shalay ahayd lagu xareeyay Xildhibaanada maamulkan.

Dhaarinta Xildhibaanada oo maanta dhici doonta, ayaan wali lahayn tiradooda rasmiga ah, balse waxaa jira khilaaf iyo Mudanayaal aan wali lasoo gudbin.

 Wararku waxay sheegayaan in hadda ay diyaaryihiin oo kaliya 45 Xildhibaan.

Sida ay xusayso xog hordhaca ah ee soo gaartay GO, Baarlamaanka Hir-Shabeelle wuxuu ka koobnaan doonaa 91 mudane, waxaana suurtagal ah inuu ka yaraado ama ka badnaado, sababtoo ah Beelo qaar ayaa ka baxay Shirka.

Marka la gaaro 15-ka Bishan October, Xildhibaanada Hir-Shabeelle waxay dooran doonaan Madaxweynaha Maamulkaasi, taasi oo soo afjari doonta Shirka socday mudada ku dhaw halka sano.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM