Jawaari oo maanta la kulmaya Danjire Nicholas Kay iyo xubno ka socda EU

Image

November 9, 2014 (GO)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa la filayaa in uu maanta qaabilo xubno ka socda beesha caalamka.

Sida wararku lagu helayo wuxuu saaka la kulmi doona Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay isagoo isla gelinka dambe ee maantana shir la qaadan doona qaar kamid ah safiirrada dalalka Midowga Yurub u jooga Soomaaliya.

Jawaari iyo labadiisa ku-xigeen ayaa ka warbixin doona meesha ay marayaan dadaalada lagu xalinayo khilaafka u dhexeeya labada mas'uul ee ugu sareeya Dowalda Federaalka iyo weliba mooshinka qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanku ka gudbiyeen Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed.

Cadaadis xoogan oo kaga imaanaya dhanka beesha caalamka ayaa saaran gudoonka baarlamaanka kadib markii uu aqbalay mooshinka la doonayo in kalsoonida loogala laabto wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka.

Waraysi uu siiyey warbaahinta wuxuu Gudoomiyaha Baarlamaanku ku sheegay in muddo kooban dib loo dhigay ka doodista mooshinka, si fursad loo siiyo dadaalada socda ee la doonayo in lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay, Jawaari iyo ku-xigeenadiisu waxay kulamo gaar gaar ah la lahaayeen Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha, xildhibaanada mooshinka keenay iyo weliba xildhibaanada mooshinkaas kasoo horjeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM

Sheekh Shariif: Al-Shabaab Waxay Qabsatay Goobo Muhiim ah, Dowladda Waa Fashilantay

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dowladda aysan ku guuleysan dhiirrigelinta iyo kalsooni-siinta ciidamada qalabka sida.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:29PM