Jawaari oo 30 cisho u qabtay soo gudbinta sharciga axsaabta dalka [Dhagayso]

Image

17 September, 2015(GO)-Gudoomiyaha Barlamanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay inay dowladda Federaalka Somalia la daahday soo gudbinta sharciga axsaabta siyaasadda Somalia.

Jawaari ayaa tilmaamay in xukumadda Somalia sharcigan loo gudbiyay muddo haatan laga joog labo bilood, ka dib wadatashi ay ka yeesheen Barlamanka Somalia.

Xukumadda Somalia ayaa lagu amray inay sharcigan wadatashi kala yeelato bulshada qaybaheeda kala duwan, isla-markaana ku soo gudbiyaan muddo dhan Soddon cisho, maadaama uu ka soo idlaaday dhanka Barlamanka.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli la hakiyay kulamadii Barlamanka Somalia, maaadama la sheegay in ka badan 40 mudane inay aadeen gudasha Xajka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM