John Kerry iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Muqdisho soo gaarey

Image

May 5, 2015 (GO)- Magaalada Muqdisho waxaa goor dhow soo gaarey wafdi uu hoggaaminayo Xog-hayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Kerry.

Booqashdan ayaa ah tii ugu horreysey muddo 25 sano ah ee mas'uul xil heerkaas gaarsiisan dowladda Maraykanka ka hayaa ku yimaado dalka Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha waxaa wafdigaas kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Wakiilka Qaramada Midoobey Nicholas Kay iyo madaxweyneyaasha dowladaha xubnaha ka ah federaalka.

Kerry ayaa saacadaha uu Muqdisho ku sugan yahay garoonka Aadan Cadde dhexdiisa  kulammo gaar gaar ah kula yeelan doona madaxda ugu sarreysa Dowadda Federaalka, ergeyga Qaramada Midoobey iyo madaxweyneyaasha dowladaha xubnaha ka ah federaalka sida Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Koonfur Galbed Shiriif Xasan Sheekh Aadan.

Kulammadaas ayaa intooda badan ah kuwo diiradda lagu saari doono la-dagaalanka argagixisada gaar ahaan ururka Al-shabaab, iskaashiga dhanka ammaanka iyo higsiga 2016.

Dhanka kale, ammaanka Muqdisho si weyn ayaa maanta loo adkeeyey, waxaana xaafadaha ku dhow dhow garoonka diyaaradaha dul heehaabaya diyaaradaha dagaalka ee qummaatiga u kaca inta badan jidadka muhiimka ah ee garoonka soo galana waa la xirey.

Xog-hayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Kerry oo lugtiisii ugu horreysey socdaalka uu ku marayo Geeska Afrika ku tegey dalka Kenya wuxuu magaalada Muqdisho uga sii duuli doonaa dalka Jabuuti, halkaasoo militeriga Maraykanku fariisin ciidan oo weyn ku leeyihiin.

Dhowaan ayey ahayd markii Dowladda Maraykanku safiir usoo magacaabatey Soomaaliya islamarkaana shaacisey inay dib u furan doonto safaaraddii ay ku lahayd Muqdisho.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM