John Kerry oo la kulmey madaxda DF iyo dowladaha qaybta ka ah

Image
Image
Image
Image

May 5, 2015 (GO)- Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa soo gaba gabeeyey booqasho gaaban oo uu maanta ku soo gaarey magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Kerry ayaa saacadihii koobnaa ee uu Muqdisho joogey wuxuu garoonka Aadan Cadde dhexdiisa  kulammo gaar gaar ah kula yeeshay madaxda ugu sarreysa Dowadda Federaalka gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirshadiid Sharmaarke.

Sidoo kale wuxuu la kulmey Ergeyga Qaramada Midoobey ee Somalia Nicholas Kay, iyo madaxweyneyaasha dowladaha xubnaha ka ah federaalka sida Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Koonfur Galbed Shiriif Xasan Sheekh Aadan.

Kulammadaas ayaa intooda badan diiradda lagu saarey la-dagaalanka argagixisada gaar ahaan ururka Al-shabaab, iskaashiga dhanka ammaanka, higsiga 2016 iyo sidii uu Maraykanku uu xoojin lahaa taageerada dhaqaale iyo midda siyaasadeed ee uu siiyo Soomaaliya.

Xog-hayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Kerry oo lugtiisii ugu horreysey socdaalka uu ku marayo Geeska Afrika ku tegey dalka Kenya wuxuu booqashadiisii Muqdisho kadib u duuley dalka Jabuuti, halkaasoo militeriga Maraykanku fariisin ciidan oo weyn ku leeyihiin.

Dhowaan ayey ahayd markii Dowladda Maraykanku safiir usoo magacaabatey Soomaaliya islamarkaana shaacisey inay dib u furan doonto safaaraddii ay ku lahayd Muqdisho.

Booqashdan ayaa ahayd tii ugu horreysey muddo 25 sano ah ee mas'uul xil heerkaas gaarsiisan Dowladda Maraykanka ka hayaa ku yimaado dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM