John Kerry oo la kulmey madaxda DF iyo dowladaha qaybta ka ah

Image
Image
Image
Image

May 5, 2015 (GO)- Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa soo gaba gabeeyey booqasho gaaban oo uu maanta ku soo gaarey magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Kerry ayaa saacadihii koobnaa ee uu Muqdisho joogey wuxuu garoonka Aadan Cadde dhexdiisa  kulammo gaar gaar ah kula yeeshay madaxda ugu sarreysa Dowadda Federaalka gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirshadiid Sharmaarke.

Sidoo kale wuxuu la kulmey Ergeyga Qaramada Midoobey ee Somalia Nicholas Kay, iyo madaxweyneyaasha dowladaha xubnaha ka ah federaalka sida Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Koonfur Galbed Shiriif Xasan Sheekh Aadan.

Kulammadaas ayaa intooda badan diiradda lagu saarey la-dagaalanka argagixisada gaar ahaan ururka Al-shabaab, iskaashiga dhanka ammaanka, higsiga 2016 iyo sidii uu Maraykanku uu xoojin lahaa taageerada dhaqaale iyo midda siyaasadeed ee uu siiyo Soomaaliya.

Xog-hayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Kerry oo lugtiisii ugu horreysey socdaalka uu ku marayo Geeska Afrika ku tegey dalka Kenya wuxuu booqashadiisii Muqdisho kadib u duuley dalka Jabuuti, halkaasoo militeriga Maraykanku fariisin ciidan oo weyn ku leeyihiin.

Dhowaan ayey ahayd markii Dowladda Maraykanku safiir usoo magacaabatey Soomaaliya islamarkaana shaacisey inay dib u furan doonto safaaraddii ay ku lahayd Muqdisho.

Booqashdan ayaa ahayd tii ugu horreysey muddo 25 sano ah ee mas'uul xil heerkaas gaarsiisan Dowladda Maraykanka ka hayaa ku yimaado dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM