Jubada Hoose: Al Shabaab oo Geel ka dhacdey dad xoolo dhaqato ah

Image

KISMAYO, Somalia- dagaalo labadii maalmood ee lasoo dhaafey 15, 16 Dec, 2016 ka dhacey degaano dhinaca Galbeedka  kaga beegan magalada Kismayo ayaa dhexmarey maleeshiyaad ka tirsan ururka Al shabaab iyo dadka degaanka.

Warar ka imaanaya degaaan la yiraahdo Kanjiroon ayaa sheegaya in dagaalkaan ka bilowdey muran ku saabsan Zeko bixinta kasoo ururka Al shabaab ka qaadaan xoolaha.

Dadka degankaan ayaa wararku sheegayaan iney ka horyimadeen bixinta xoolahaas taasoo keentey in maleeshiyaadka Al Shabaab ka dhacaan degaanka Yaaq Biraale, Booray iyo Kanjiroon Geel gaaraya 1000 neef.

Dadka degaanka oo isbaabuley ayaa dagaal kala hortagey kooxdaan iyadoo wararku sheegayaan in 3 kamid ah maleshiyaadka qabiilka ku dhinteen iska horimaadkaan.

Maleshiyaadka Al shabaab oo ciidamada dowlada oo kaashanaya AMISOM laga qabsadey goobihii ay dhaqaalaha ka heli jireen ayaa inta badan dadka reer baadiyaha ee ku dhaqan degaanada ay ku dhuumaaleystean ka qaata xoolaha nool  kuwasoo mararka qaarkood keena isku dhacyo dhiig ku daato. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM