Jubaland: dad loo soo qab-qabtey dilka taliyihii suuliga lagu qarxiyey

Image

June 27, 2015 (GO)- Ugu yaraan toban qof oo dumar ku jiraan ayaa loo xirxiray dilka taliyihii guutada koowaad ciidamada Jubaland ee aagga Buulo-guduud, Mursal Geedi, oo shalay qarax lagu diley.

Qaraxa oo loo adeegsaday miino nooca meesha fog laga hago ah, waxaa lagu qariyey suuli, wuxuuna dhacay waxyar kadib markii Taliyihe Geedi suuliga galay.

Dadka lasoo qabqabtey oo xilligan su'aalo la weydiinayo waxaa lagu tuhmayaa inay fududeeyeen waxna ka ogaayeen qaabkii bamka lagu geliyey suuliga.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa sarkaalkaas lagu aasay isla deegaanka Buulo-guduud, waxaana mas'uuliyadda dilka sheegtay Ururka Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM